Uncategorized

Weligaa Ma Maqashay Kuraas La Beero… Lamaane Ingiriiska u Dhashay oo Soo Saara Kuraas Sameyskoodu Qaato 10 Sano! (Muuqaal)


Beer ku taalla gobollada dhexe ee Ingiriiska, ayaa waxaa iska leh Jaafiin iyo Alis Monroo oo adeegsaday fikrad hal-abuur cusub leh, beerta waxaa uga soo go’a geedo loo abuuray iney u sameysmaan hab kuraas ah.

Jaafin ayaa waxa uu yiri: “Fikaraddu waa inaan beerno geedo aan u abuurno habka aan doonno, intii geed 50-sano beernaa aan jari lahayn oo qeybo yaryar aan ka dhigi lahayn. habka aan wax u buurno waxa uu la mid yahay daabacaadda 3D loo yaqaanno oo kale.”

Jaafiin waxa uu gacansigiisa bilaabay 2006, xilli uu isku dayay inuu kuraasta u beero hab labo yaryar ah oo dhulka ka baxa, waxa uu daggan yahay dagmada Bayk ee ku taalla dhex bartamaha Ingiriiska.

Laakiin markii la gaaray 2012, sanad ka dib guurkooda ayaa waxa ay xaaskiisa wada aasaaseen shirkadda Folgron, fikradaas ayeyn u go’een iney si wadajir ah uga shqeeyaan.

Bilowgii hore waxey waajaheen caqabado farabadan, mid ka mid ah iskudayadeedii ugu horreysay waxey ku dhammaatay musiibo, kadib markii ay lo’ ku istaagtay waxey ay beerteen, halka bakaylana uu ka dhargay abuurkoodii.

Waxa laga rabay ayaa ah iney raadiyaan wadada ugu hobboon ee ay geedaha ku beeri karaan oo aan carqaladna ku noqoneyn koritaankiisa, lamaanahan ayaa waxey barteen iney dhirta u jiheeyaan iney u baxdo hab goonni ah, intii ay ku khasbi lahaayeen iney u korto waddo khilaafsan habkii dabiiciga lahaa ee ay u kori lahayd.

Waxsoosaarkani ma aha mid raqiis ah, marka la eego xajmiga shaqada iyo waqtiga lagu bixiyaan marka la soo saaro halkii kursi, qiimaha halkii Kursi waxa uu gaarayaa 10-kun oo giniga istarliinka ah waa lacag u dhiganta (12,480-dolar), halka Fooniista sicirkeedu uu u dhaxeeyo 900 ilaa 2300 oo gini, halka sicirka halkii miis uu gaarayo 2500 illaa 12500 oo gini, kolba sida ay u kala weyn yihiin.

Halkii kursi beeriddiisu waxey qaadataa  ilaa 9 sano oo lagu daray sanad kale oo uu ku qalalo.

Dalabaadka ugu waqtiga dheera ee shirkadda soo gaaray waxaa ka mid ah mid lagu rabo in macmiilka la guddoonsiiyo marka la gaaro 2030, waa kursi loo diyaarinayo marka uu howlgabka noqdo ee uu shaqada ka fariisto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close