Wararka

Xaaskiisa Ayuu u Maleegay Dabin Sheydaan.. Wuu Ka Fashilmay, Isagaase Ku Dhacay (Muuqaal)


Maxkamad ku talla gobolka Florida ee gudaha dalka Mareykanka ayaa waxey dhageysatay gal dacwadeed isku day dil ah  oo oday uu ku doonayay inuu naagtiisa oo ay kala careysnayeen ku dilo, laakiin dabinkii uu maleegay isagaa ku dhacay oo ay khiyaanadii ku rogmatay.

Hanary Hirbing, oo 65 jir ah ayaa Arbacadii la keenay maxkamadda horteeda, waxa uu saarnaa sariir waxaana ku xirnaa qalabka lagu neefsado, xeer ilaalintu waxey miiska soo saartay faahfaahinta tallaabooyinkiisii iskudayga dil ee ka fashilmay.

Sida ay xeerilaaliyeyaashu sheegeen, Heneri waxa uu ka baxay gurigiisa oo ku yaalla Biis, Florida, 8-dii September, waxa uu sii kaxeystay gaarigiisa, waxa uu sii qaatay baaldiga qashinka oo ay ku jiraan sharootooyin iyo silig dadka lagu xiro, isagoo naafto dheeraad ah sii qaatay si aanuu ugu beehan inuu naafto sii qaato.

Sida ku qornaa caddeymihii maxkamadda la hor keenay, Herbing, gaariga waxa uu la aaday girigiisii hore oo ku yaalla Farjeeniya Batish, ee gobolka Farjiiniya, halkaas oo xaaskiisu ay ku nooleyd, isagoo markaa qori wata, furayaasha qufullo uu soo diyaarsaday iyo ul loox ka sameysan.

Si qorshihiisu ugu hirgalo mobilekiisa guriga ayuu uga tagay, waxaana uu wax ka iibsanayay ganacsiyada yaryar  ee aan kaamirooyinka lahayn, lacagtiisa waxa uu u isticmaalayay inuu wax ku cuno ama uu wax ku cabbo oo qura.

Sida ay xeerilaalintu sheegtay, Herbig, waxa uu soo xirtay buruko, si hadhow aan loo garan cidda faldambiyeedka geysatay, waa sida uu qoray wargeysta Metro ee dalka Ingiriiska ka soo baxa.

Laakiin qorshihii uu watay ayaa ka kala daatay, markii uu soo gaaray gurigiisii hore, kadib markii ay ka hortimid gabadha curadda ah ee ay xaaskiisu dhashay oo xabbad isku difaacday, naxdintii uu naxay ayaa waxaa ku soo booday baraaleys oo dhinac dhan ayaa qalalay.  

Sida uu sheegay Janalka ABC news 13, Herbig waxa uu doonayay inuu geerida xaaskiisii hore u ekaysiiyo fal xatooyo oo dil kusoo gabagaboobay.

Fadhigii Arbacada ee dacwadda, ayaa qareennada u doodayaa Herbing ay codsadeen in la sii daayo oo kafaalo maaliyadeed lagu sii daayo, iyagoo ku doodaya in xabsiga Farjiiniya Baytish, aanuu ka helayn daryeelkii uu u baahnaa maadama uu jirran yahay, halka garsoorihii dacwaddan uu xeerilaalinta ku raacay in Hantida Herbing uu leeyahay ay keeni karto inuu baxsado oo kafaalo maaliyadeed aaney waxba agtiisa ka ahayn.

Laakiin haweenayda garsooraha ka ah dacwaddani waxey sheegtay codsigan dib u eegi doonto waa marka Harbing uu faahfaahinno farabadan uu keeno maxkamadda oo uu sheego  halka uu dagi doono, waa marka kafaalo ahaan lagu sii daayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close