Wararka

6 Talo oo Muhiim u Ah Sidii Aad u Hanan Lahayd Qalbiga Sodohdaa (Muuqaal)


Guurku maaha xiriirka labo qof oo qura dhex mara, waa xiriir labo qoys ay xididaan, waxaa lagama maarmaan ah in la helo kalgaceyl, ixtiraam iyo jacayl, dhibaatooyinka ugu badan ee ay lamaanayaashu waajahaan ayaa ah habka ay ula dhaqmayaan ehehlka dhinaca kale, gaar ahaan soddohda, oo haddii aad qalbigeeda hanto aad ka badbaadayso dhibaatooyin badan oo caado ahaan la wada yaqaanno.

Talooyinka ugu muhiimsan habka loo hanto qalbiga soddohdaa:

  1. Doorashadaada wanaaji

Doorashada wanaagsan waa arrinta aasaaska u ah xiriirka soddohda, guurkaagu maaha xiriirka aad qof kaliya la yeelaneyso, qoys dhan ayaad la xididaysaa ay madaxdiisa ka mid tahay soddohda, isku day inaad qoyskaaga cusub u dhawaato oo fikirka, caadada iyo dhaqanka aad kala sinnaato.

  • Si joogta ah ugala qeybqal munaasabadaha

Isku day inaad qoyskaaga cusub ku milanto dheef iyo dhibaataba aad la qeybsato, si ay u dareemaan inaad tahay qof qoyska ka mid ah.

  • Hadiyad

Isku day inaad qadarin u muujiso soddohdaa, qadarintaasi waxey noqon kartaa inaad hadiyad u geyso, shardi maaha in hadiyadaasi noqoto mid qaali ah, wax kasta oo ay ahaataba waxey muujineysaa qadarin iyo jacaylka aad u hayso.

  • Ka codso Iney kula taliso

Haka labo labeyn inaad la tashato soddohdaa oo arrimo kala duwan aad kala tashato, waxaa hubaal ah inaad ka faa’iidi doonto, maadaama ay kaa khibrad badan tahay, isla markaana dhaqanka iyo fikirka aad ku kala duwan tihiin.

  • Halkaad ku nabadgaleyso

Haddii uu khilaaf ka dhex dhaco lamaanahaaga iyo ehelkiisa, ka shaqee inaad heshiisiiso, lamaanahaaga cudud ha u noqon halana safan.

  •  Farxadda halkaaad ka helayso waa inaad wax badan iska indho tirto

Waxaad ogaataa inaan nahay aadane sax iyo khaladba uu ka dhici karo, waxbaan jeclaannaa waxna waan nici karnaa, habdhaqankeenna waxa uu saameyn ku yeeshaa xaaladda nafsi ahaaneed aan ku sugan nahay, dhibaato kasta oo iska yar mid weyn haka dhigin, iska indho tir waxyaabaha yaryarka ah, si xasilloonida qoyskaaga aad u ilaashato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close