Wararka

Diyaarad Drones ah oo Badbaadisay Nin Badmaax ah oo Libaax Badeed U Gaatamayey (Muuqaal)


Diyaarad  duuliye la,aan ah oo nooca drones-ka ah oo dushiisa maraysay, ayaa looga dhawaaqay, qof  makarafoon kasoo hadlayey ayaa ku baraarujiyay oo ku yiri ; biyaha libaax badeed ayaa ku jira,,, waxa uu ahaa qof ka mid ah dadka hirarka raaca ee yaqaanna sida loogu dabbaasho waxaa dhowr mitir u jirsaday libaax badeed, farriin digniin ah ayuu meel sare ka helay oo uga imaaneysay diyaarad drones ah.

Waa dhacdo si dhab ah u dhacday, qof ayaa halka sare kala soo hadlay, makarafoon saarnaa diyaarad drones ah oo dushiisa mareysay, waxaa biyaha ku jira libaax badeed ee iska jir.

Qofka ayaa ku qeylinayay, libaax badeed, libaax badeed, biyaha si degdeg ah uga baxa,,, libaax badeed ayaa biyaha ku  jira, fadlan si degdeg ah uga baxa.

sida ay wax u dhacayaan ma rumeysan kartid. Ninkan ka midka ah dadka hirarka ku dabbaasha oo ku sugnaa gudaha Australia, ayaa  waxaaa khasab ahayd in arrintaasi ay lama filaan ku noqotay.

Wax fikir ah kama aanuu haysan in libaax badeed uu dhankiisa u soo socdo,,, illaa diyaaradda droneska ah ay xagga sare ka soo aragto,,, si xirfad sare leh ayaa makarafoon looga soo hadlay, waana loo digay, si uu naftiisa u badbaadiyo.

Daawo ilbiriqsiyada ninkani uu dhawaaqa maqlayo ee uu dhabarkiisa jeedinayo  iskuna dayayo inuu naftiisa la baxsado.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close