Wararka

Farriin Duni Kale Kasoo Gaartay.. Qisada Gabar Muddo Farriimo u Diraysay Walaalkeed oo Bilooyin Mootanaa (Muuqaal)


Internetka waxaa la isla dhex marayay qisada garab dhalinyaro ah oo xaalad yaab badan la kulantay, kadib markii ay farriin qoraal ah ka heshay mobileka walaalkeed oo bilo ka hor geeriyooday.

Gabadhan oo barteeda  bulshada ee Reddit-ka kusoo gasha magaca Ruthless0903, ayaa tiri; markii uu walaalkey dhintay igama aaney go’in xisihii aan u haayey walaalkey, waxaan marwalba farriin u diri jiray mobilekiisii gaarka ahaa ee uu walaalkey lahaa, illaa maalin ay lama filaan igu noqotay inaan helo farriin mobileka iga soo gaartay.

Gabadhan ayaa aad u yaabtay, farriintu lama filaan ayey ku noqotay iyo sidii inuu walaalkeed aakhiro kala soo hadlay oo kale, laakiin gadaal waxaa ka caddaaatay iney farriintu ka soo gaartay qof kale oo lafta qaatay kadib walaalkeed oo numbarka la wareegay.

Gabadhu qofkii wey la xiriirtay waxeyna uga cudur-daaratay mudadii ay farriinta ku dhibi jirtay, waxeyna u sharraxday qisadeeda iyo waxa ku kallifay iney farriimaha faraha badan qorto, waxa uu u muujiyay inuu la danqanayo lana murugeysan yahay, waxa uu u xaqiijiyay inuu fahamsan yahay xaaladeeda diyaarna u yahay inuu xilli walba ay u soo dirto farriinteeda waqti kasta oo ay tahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close