Wararka

Saacaddii Eber oo Loo Sii Dhawaanayo.. Qaarad Dhammeystiran oo Ku Socota Iney Biyo La’aan Noqotay (Muuqaal)


Khubaro cilmibaaris ka sameysay ayaa digniin rasi ah ka soo saartay in loo sii dhawaanayo saacaddii “Eberka”, taas oo qaarad dhan laga baqayo iney oonto oo dhibic biyo ah oo lacabi karo laga waayo.

Jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa faafisay warbixin dheer oo ku saabsan daraasad khatarta badan oo ay diyaarisay jaamacadda Kanimbara ee dalka Australia, waxaana lagu ogaaday in qaaradda ay ku sii dhawaanayso saacaddii eberka oo qofina aanuu heli Karin dhibic biyo ah oo ku habboon in la cabbo.

Daraasaddan ayaa caddeysay iney jiraan wax ka badan 10-magaalo iyo dagmooyin ku yaalla bariga Australia oo ku sii dhawaanayay saacadda eberka, oo la weyn doono dhibic biyo ah oo ku habboon la cabbo.

Sida daraasaddan laga ogaaday, Australia ayaa waajahaysa qalleyl badan oo aan horey looga baran, biyihii ayaa gabaabsi sii ah, waxaana jira magaalooyinka haysta biyo bilooyin un ku filan oo mudaada wax dhaafsiisan biyo la’aan kusoo dhacaya.

Daraasaddan ayaa caddeynaysa in Australia ay tahay qaaradda ugu qalleylka badan adduunka.

Daraasaddan ayaa codsatay in lagama maarmaan ay tahay in biyaha si wanaagsan loo maamulo, hab suurtagalineysa in mar labaad la isticmaali karo.

Professor Jurayj Lisli, oo ka tirsan mac’hadka caalamiga ah ee biyaha ee jaamacadda New South Wales, ayaa yiri; “Iyadoo ay jirto iney aad u yaryihiin roobabka da’aya, waxaa la inaga rabaa inaan si weyn uga faa’iidaysanno biyaha aan haysanno.”

Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Waxaa waajib ah in falsafaddeenna aan bedelno, waa in dhibic kasta oo biyaha ah aaney si maalaayacni ah nooga bixin, waa in marlabaad la adeegsan karo biyaha aan isticmaalno. ”

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close