Wararka

Jiir Kala Yaac Ka Dhex Abuuray Gudaha Aqalka Cad ee Looga Arrimiyo Dalka Mareykanka (Muuqaal)


Saqafka sare ee Aqalka Cad ayaa waxaa ka soo dhacay jiir kusoo dul dhacay mid ka mid ah saxafiyiintii joogay saaxadda wararka ee Aqalka Talaadadii, arrintaan oo dhalisay xaalad kala yaac ah, qeylo iyo buuq ka dhashay hoolkii saxaafadda ee Aqalka Cad.

Bitar Alaksandar,  oo ahaa wariye ka tirsan shabakadda NBC ugana soo warrama Aqalka Cad ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee jiirku kusoo dul dhaco. Qoraal uu bartiisa twitterka soo dhigay ayaa waxa uu ku yiri: “Jiir nool ayaa nooga soo dhacay saqafka hoolka aan ka joogno Aqalka Cad, waxa uu kusoo dul dhacay computerkeygii gaarka ahaa.”

Jiirkii waxaa eryaday qaar ka mid ah saxafiyiintii hoolka joogtay oo isku dayay iney qabtaan, laakiin uma aaney suurtagelin, dhacdadan ayaase guux weyn ka dhalisay Baraha bulshada, maadaama ay ahayd dhacdo nadir ah oo aan looga baran Aqalka laga maamulo dowladda ugu tunka weyn dunida.

Wariye ka tisan shabakadda NBC news ayaa qoraal ay barteeda twitterka soo dhigtay ku tiri: Waa arrinkii ugu soo jiidashada badnaa ee muddo bilooyin ah ka dhaca hoolka wararka  ee Aqalka Cad.

Waxaa twitterka mar qura kusoo daatay taageerayaasha iyo mucaaradka madaxweyne Trump, si qof walbaaba uuga dhiibto ra’yigiisa ku aaddan sida uu u arko dhacdadan naadirka ah ee Aqalka Cad ka dhacday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close