Wararka

6 Calaamadood oo Kuu Sheegaya Inuu Kugu Noqonayo Lamaane Xun oo ilbiriqsiyada Ugu Dambeeysa Guurka Kaaga Bixi Karo (Muuqaal)


Iyadoo ay jirto in gabdho badan ay u qaateen sheekada msutaga abuu-toorte mid kaftan ah, ayaa hadana in badan ay welwel ku abuurtay, maadama dhibaatadan oo kale ay soo gaarto, hadaba, waxaa jira dumar badan oo is weydiinaya iney jiri karaan qodobbo lagu ogaan karo lamaanaha ay mustaqbalka ka leeyihiin inuu qeyru mas,uul yahay iyo in kale.

Haddii aad baqdin ka qabto in sheekadaas oo kale kugu dhacdo, wax ka ogow warbixintan uu faafiyay websiteka psychologytoday oo ku sheegaya calaamado kuu tilmaamayaa in qofka aad la socoto uu yahay qof mas,uul ah iyo iney suurtaggal tahay inuu guurka kaaga baxo ilbiriqsiyada ugu dambeeya iyo in kale.

  1. Qoyskiisa waxwalba ma soo dhex geliyaa

Calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu garto lamaanahaa aan mas,uulka ahayn waa inuu arrin kasta qoyskiisa soo dhex geliyo arrimaha shaqsiga ah, iyaguu ku halleeyaa iney mustaqbalkiisa hagaan, halka uu dagayo ayey u diyaariyaan, alaabtana iyagaa  u soo iibiya.

2. Mustaqbalkiinna ma qorsheeyo.

Markii aad aragto inuu ku mashquulsan yahay; waxbarasho, lacag uruursi, shaqo iyo arrimo kale oo gaar u ah, isagoo aan ka fakareyn xiriirkiinna mustaqbalka, markaa waxaad ogaataa inuu dan kuu wadin.

3. mustaqbalkiisan dan kama laha

Calamaadaha lagu garto ninka aan mas,uulka ahayn waa inuu yahay qof gaabis ah oo noloshiisa bulsho iyo middiisa shaqaba aan ku wanaagsaneyn, shay ka mid ahna aan daneyn u ahayn, halka dhanka kale ee lamaantiisu ay waxwalba u degdegayso, arrintaas oo ku tusineysa inaanuu daacad ka ahayn xiriirka.

4. Isbuucyo kulama soo hadlayo

Calaamadaha lagu garto inaan dhinaca kale xiriirka daacad ka ahayn waa inaanuu isbuucyo aanuu soo wicin lamaantiisa, arrintaas oo keenaysa in shaqsigaasi aanuu daacad ka ahayn xiriirka oo qof kale ay noloshiisa ku jirto.

5. qof isla weyn

Calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu garto inaan dhinaca kale dan ka lahayn xiriir waa marka uu qofku yahay qof isla weyn, marwalba waxa uu dareensan yahay inuu yahay qof muhiim ah, sidaa darteed dhanka kale ma daneeyo, waxaaba dhici karta inuu qorsheynayo inuu ka tago.

6. Dhibaatadiisu waa lacag un

Marka uu sheego in dhibkiisu uu lacag raadis yahay, iyo inaanuu xilliyada soo aaddan aanuu waxba u huri Karin xiriirka, waxaad ogaataa inuu qorsheynayo inuu dib uga gurto xiriirka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close