Wararka

Bamb Ayuu Boshqad Ugu Diray… Sidan Ayuu Uga Aargoostay Nin Dalka Austria u Dhashay Xaaskiisii hore (Muuqaal)


Nin 28-jir ah ayaa waxa uu isku dayay inuu dilo xaaskiisii hore waxa uu u diray baakad bambeysan, wejigeeda ayuu ku qarxay waxaana ka soo gaaray dhaawac khatar ah, iyadoo ku sugneyd gurigeeda oo ku yaalla koonfurta Austria, waa sida ay sheegeen booliska.

Gabadha dhibaatadu soo gaartay oo 27 jir ah oo ah hooyo saddex caruur ah leh ayaa loo qaaday isbitaalka Talaadadii, kadib markii dhibaatadu soo gaartay, waxaa soo gaaray dhaawacyo gubasho u badan oo nooca darajada labaad iyo saddexaad ah, 40% jirkeeda ayaa gubtay, waxaa lagu sameeyay labo qaalliin oo dhanka haragga sare ee jirka ah, waa sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press.

Booliska ayaa sheegay iney Khamiistii qabteen ninkii horey gabadha u furay iyo qof kale oo la socday, waxey qirteen dambigooda iyo iney qaraxa ka dambeeyeen, kaas oo la dhigay guriga gabadhan oo ku yaalla Gotaring Koonfurta waddanka.

Ninkan ayaa ahaa askari ciidanka milatariga ka tirsan oo 29 jir ah ayaa waxa uu dhigay baakad miineysan afaafka guriga haweenaydan albaabka ayuu gargaraacay inta aanuu ka dhaqaaqin goobta, waxaanuu baakadda ka qarxiyay ramuud-koontarool oo uu meel fog ka hagayay.

Booliska ayaa sheegay in labadan nin ay qaraxa gacanta ku sameeyeen oo ay soo tijaabiyeen keymaha, kadib markii walxaha laga sameeyo ay dhanka internetka ka iibsadeen.

73 qof oo lagu dilay gudaha Austria sanadkii 2018 ayaa 41 ka mid ah ay ahaayeen dumar, waa sida ay sheegayaan tirakoobyada wasaaradda arrimaha gudaha waddankan dadkiisu ay gaarayaan 8.8 milyan ee qof.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close