Wararka

Biriq Dishay Oradyahan Tartan Marathon ah ka qeybgalayay Markii Uu Ku Dhawaaday Diilintii Gabagabada Tartanka (Muuqaal)


Biriq dishay orodyahan ku sugnaa magaalada Elka City ee gobolka Kansas ee dalka Mareykanka, orday yahankan ayaa biriqdu ku dhacday isagoo ku sii dhow diilinta kama dambeysta Tartanka Marathon ah oo masaafo dheer la cararay.

BBC News qeybteeda luqadda Ingiriiska ku hadasha ayaa tilmaantay in orodyahankan ay biriqdu dishay la yiraahdo Tomas Istanli waa(33 jir ah), markii uu ku dhawaaday diilintii dhammaadka tartanka oo 50-kiiloomitir la cararay ayaa biriqdu qabsatay, waxba wey u tari weyday isku dayadii saaxiibadii ay ku doonayeen iney naftiisa ku badbaadiyaan, waxa uuna u dhintay dhaawicii biriqda ka soo gaaray.

Orodyahankan ayaa waxa uu ka tagay xaas iyo saddex caruur ah, maalin qura ayaa loogu aruuriyay lacag ka badan 45 kun oo dolar si loogu taageero qoyska orodyahankan, halka xaaskiisii la guddoonsiiyay biladdii tartanka, maadama uu khadka kama dambeysta ku dhawaa.

Xaaskiisa ayaa ka hadashay suurtagalnimada in qofi uu biriq ku dhinto waxey tiri waxe gaarsiisan tahay in halkii milayan uu qof ka mid ah uu biriq u dhiman karo, waxey carrabka ku adkeysay in qofkii halka milyan ku jiray uu  ninkeeda noqday biriqdana uu sababsaday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close