Wararka

“Muuqaalka” Wiil Dhalinyaro ah oo Ku Dhex Heesaya Masaajid Gacantana Ku Haysta Qur’aanka Kariimka ah oo Caro Ballaaran Ka Dhaliyey Gudaha Dalka Masar


Muuqaalka Wiil Dhalinyaro ah oo ku heesaya gudaha Masaajid ku yaalla dalka Masar ayaa caro ballaaran ka dhaliyay baraha bulshada.

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa soo muuqday isagoo gacanta ku haysta Qur,aanka Kariimka ah iyo makarafoon gacantiisa ku jira, waxa uu ku heesayay dhanka barnamijka heesaha ee Tiktok-ga  si ku talogal ah, arrintan ayaa dhalisay caro ballaaran oo ay kala dul dhaceen dadka baraha bulshada isticmaalaa ee ku sugan gudaha dalka Masar. Waxaa la abaabulay ol’ole wiilkan dhalinyarada ah ka dhan ah oo keenay in la xiro bayjiisaka baraha bulshada kadib markii la dacweeyay.

Dadka qaar waxey ka codsadeen hay’adaha ammaanka iyo xeerilaalinta iney arrintan soo farageliyaan oo ay wax ka qabtaan wiilkan dhalinyarada ah, si uu noqdo mid lagu cibro qaato oo hadhow loo waayo qof  ku dhiirrada ficilkiisa oo kale, maadama uu ixtiraami waayay baytka Alle isla markaana uu ku xadgudbay xurmada uu masaajidku leeyahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close