Uncategorized

5 Maroodi oo Naftooda u Huray Si Ay u Badbaadiyaan Maroodi Yar oo Dhibaato Dhexda Kaga Jiray(Muuqaal)


Beerta Hawaay ee wadaniga ah ee ku taalla koonfurta Thailand, ayaa waxaa ku dhintay 5 maroodi oo isku dayayey iney badbaadiyaan maroodi yar oo meel waadi ah ku xayirmay, waa sida uu qoray wabsiteka Matichon Online.

Dhibaatada ayaa dhacday waqti hore ee subaxnimadii  Sabtidii October  5-teeda, kadib markii ay shaqaalaha goobtan loo dalxiiska tago ay maqleen codka qeylo maroodi oo dhinac walba is qabsaday, waxey arkeen maroodi yar oo 3 sano jir ah oo biyo ku maashooday iyo labo maroodi oo kale oo ku sugnaa meel laag ah oo isku dayay iney badbaadiyaan, laakiin u muuqday kuwo daallan oo dhibaato dhexda kaga jira.

Markii toggan hoos loogu dhaadhacay waxey arkeen 5 maroodi oo kale oo biyaha ku dhintay, saacado kooban kadib markii lala tacaalay ayaa la badbaadiyay maroodiyaashii kale ee soo haray iyadoo la isiticmaalayo xarko.

Dhacdo tan la mid ah ayaa isla goobtan ka dhacday sanadkii 1992, kadib markii ay goobta ku dhinteen 8 maroodi.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close