Uncategorized

Ey Xabba Ku Dhuftay Haweenay Reer Mareykan ah… Sababtu Waa Kursiga Dambe! (Muuqaal)


Haweenay daggan gobolka Oklahama ayaa lugta laga dhaawacay kadib markii ey uu si aan ku talagal ahayn ugu istaagay riishadda baaskoolad gudaha gaariga saarneyd,,,,

Oo ma iyadaa isku dhufatay xabbadda?,,, maya ma aaney sameyn,, yaa xabbadda ku dhuftay?,,, hagaag, waxaa xabbadda ku dhuftay ey noo jooga oo riishadda baaskooladda ku istaagay,,, Moli al-Laabaraadoor ayaa baaskooladda ku istaagtay,,, waxa ay xabbadda ku ridday gudaha gaariga oo ay sarneyd milkiile da’da yar ah,,,

dhacdadan ayaa dhacday xilli ay sugayaan tareen wadada jarayay si ay u dhaafaan,,, waana sida ay wax u dhaceen,, Moli ayaa kasoo boodday kursiga dambe una soo boodday barkinta dhaxe ee gaariga,,,markaas ayaa xabbad ka soo fakatay baaskooladda  22-milimit ahayd oo gaariga saarneyd,,,

Haweenaydan ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka, waxaana la filayaan iney xaaladeedu ka soo rayn doonto,,,Moli waxey dooneysay iney kursiga gadaal la fariisato oo aan lagu cidleyn, ee wax kale ma jirin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close