Uncategorized

In Ka Badan 100 Qof oo Ku Dhaawacantay Dabbaaldegga “Istunka” oo Ka Dhacay Gudaha India(Muuqaal)


Dabbaaldag sanadeed istunka ee ka dhaca gudaha India ayaa sanadkan waxaa ku dhaawacmay in ka badan 100 qof, oo 20 ka mid ah ay xaaladoodu culus tahay, waa sida ay sheegtay jariidada New India Express ee maxalliga ah.

Dabaaldaggan oo loo yaqaanno “Bani” ayaa waxa uu ka dhacaa gobolka Aandara Baradhish ee gudaha India, waxaana uu dhacaa maalin ka hor gabagabadada dagaaldagga weyn ee Dosira oo ah dagaaldagyo ay qabsadaan Hunduuska oo socda 9- cisho.

Muuqaal laga duubay ayaa muujinaya in kumanaan ka mid ah dadkii xafladda ka qeygalay ay dagaalamayaan oo qof kastaa uu gacanta ku wato ul dheer, arrintaas oo keentay inuu dab ka kaco goobo badan.

Istunka Maani ayaa waxaa loo qabtaa in lagu sharfo kaniisadda Maalaa Maalisuwaaraa Sawaami oo ay leeyihiin oo isla markaana ay maamulaan dadka deegaanka Neyraaniki.

Istunkan ka dhaca India, dadku iyagaa is-qeybiya oo koox koox iska dhiga, kadib wey is tumayaan iyagoo isku garaacaya ul dheer oo adag oo ay soo diyaarsadeen.

Ka qeybgalayaashu waxey aaminsan yihiin in kooxda guuleystaa ay nasiib la hoyan doonaan isla markaana deegaankii ay ka soo jeedeen ay barwaaqo iyo farxad usoo jiidayaan.

Warbaahina maxalliga ah ayaa tilmaamaya in 300 oo kun oo qof oo badankoodu ay dhalinyaro yihiin ay ka qeybgaleen dabbaaldagga sanadkan.

Waxaa xusud mudan, in istunka Baani horey uu dhibaatooyin u sababay oo dad ay ku dhinteen, arrintaas oo ka dhigtay in bulshada rayidka ah ay dalbadaan in dabbaaldaggan gebi ahaanba la joojiyo maadama uu ku caan baxay oo lagu bartay gaboodfalka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close