Uncategorized

Muuqaalka Diyaaraddii Mucjisada.. Wey Burburtay Dadkii Saarnaa Gabi Ahaantood Wey Badbaadeen (Muuqaal)


Dhacdo u muuqata mid khiyaali ah, waxaa badbaaday 55 qof oo si cajaai’b ah uga badbaaday geeri, waxey ahaayeen dadkii diyaaradda burburtay saarnaa, taas oo ka soo duushay airportka caasimaadda Kenya ee Nairobi.

Diyaaraddan ayaa waxaa iska leh shirkadda Salfiriston Air, waxey ka soo duushay airportka Welson ee ku yaalla Nairobi, waxa ay ku sii jeedday magaalada xeebeedka Mombasa, diyaaraddan ayaa burburtay markii ay ka duuleysay garoonka.

Arrinta la yaabka leh ayaa ahayd in dhammaan dadkii diyaaradda saarnaa oo tiradoodu gaareysay 55 qof(50 rakaab ah iyo 5 ka mid ah shaqaalihii diyaaradda), ay gebi ahaanba badbaadeen, dhaawac xiraa aanuu soo gaarin, saddex qof oo shoog ku dhacay mooyaane, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Nation ee dalka Kenya ka soo baxda.

Shirkadda diyaaradda iska leh ayaa caddeysay in dhammaan rakaabkii dyaaradda ay badbaadeen, iyagoo aan caddeyn sababta ay diyaaraddu u burburtay, waxey tilmaameen in dowladda ay kala shaqeyn doonaan sidii ay xaaladda ku qiimeyn lahaayeen.

Sababtii ay diyaaraddu ku burburtay horey loogama sheegin, laakiin qaar ka mid ah duuliyeyaashii la hadlay jariidada waxey sheegeen iney ka shaki san yihiin in matoor ka mid ah matoorada diyaaradda uu xumaaday.

Maamulaha guud ee hay’adda airportyada Kenay, “Gelibert Kiibi”, ayaa sheegay inaaney jirin wax dhimasho ah laga diiwaangelin, laakiin saddex qof oo rakaabka ka mid ah ay dhibaato soo gaartay oo isbitaalka la dhigay.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close