Uncategorized

Oday Japanese ah oo Si Lama Filaan Ah u Aargoostay Kadib Markii Loo Geystay Xatooyo Yaab Badan!(Muuqaal)


Booliska Japan ayaa qabtay oday 61-jir ah oo ka soo jeeda gobolka Owtaa Waarid ee caasimadda Tokyo, kadib markii uu waddo yaab badan u aargutay oo uu xadday kuri baaskiil sanadkii hore.

Booliska ayaa kusoo eedeeyay, Akiyo Haatuuri, inuu xaday 159 kursi baaskiil, kaamirooyinka ilaalada ayaana soo qabtay odaygan oo kursi ka siibaya baaskiilad qofkii iska lahaa uu ka maqnaa, kuna ridanaya sallada baaskiilkiisa, kadibna meel fog ula baxsanaya.

Nasiib xumadiisa, qofkii ugu dambeeyay ee uu kursiga ka xado waxa uu ku dacweeyay boolska, xatooyadaa iska yar ee lagu sameeyay, arrintaas oo ka dhigtay in boolisku ay dabagal ku sameeyaan odaygan, markii ay aqoonsadeen oo ayey gurigiisa aadeen, si ay kursiga uga soo raadiyaan.

Laakiin wixii ay ku arkeen ayey aad ula yaabeen, waxey gurigii kasoo heleen 159 kursi baaskiil oo guriga yaalla.

Markii baaritaan lagu sameeyay odaygan, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay sheekadiisa, waxa uu sheegay in la xaday 2018, xilligaasna uu aad uga xanuunsaday xatooyada loo geystay, markaas ayuu goostay in dhibaatadiisa ay dadku wada dareemaan oo dad badan uu ka aargoosto.

Intii uu xatooyada loo geystay booliska la xiriiri lahaa, si uu u garto qofkii xaday kadibna uu uga aargoosan lahaaa, ayuu isku bedelay tuug xada kuraasta baaskiiladaha.

Haatuuri , waxa uu booliska u sheegay : “Waxaan ku khasbanaaday inaan kursi soo iibsado xagaagii 2018, intaa kadib waxaan goostay inaan aargoosto, waxaan jecleystay iney dadku dareemaan waxaan dareemay oo kale.”

Markii boolisku ay baaritaanka fureen ayaa waxey dib u eegeen dambiyadii uu Haatuuri galay, boolisku waxey soo bandhigeen isagoo xadaya kursi gudaha caasimadda Tokyo, waxeyna saxaafadda usoo bandhigeen 159 kuris oo la xaday, si dadkii iska lahaa u aqoonsadaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close