arrimaha bulshadaUncategorized

Layaabka Dunida… Muuqaalka Mayd Dadka Ka Qosliyey Xilli Lagu Gudajiray Munaasabadda Aaskiisa (Muuqaal)


Dadkii Janaasadiisa waday ayaa qosol la daatay gobol ka mid ah gobollada Ireland, farriin  kasoo gaartay maydka ay dusha ku sidaan oo lama filaan ku noqotay.

Dadku waxey iskugu soo baxeen si ay u sagootiyaan oo waxaa socotay munaasabadda aaskiisa, Shaay Baraadli, oo ahaa askari ka tirsan ciidanka Ireland, laakiin waxaa lama filaan ku noqotay dadkii iney maqlaan codkiisa isagoo qabriga kasoo dhex hadlaya.

Dadkii aaska iskugu soo baxay ayey layaab ku noqotay iney maqlaan codka ninkan dhintay isagoo leh : “Soo dhawaada, ii ogolaada inaan soo baxo, meesha iga saara, aadbay meeshu u madow dahay, oo waxa aan maqlaa ma codkii wadaadkaa? Waa ikan waa anigii waa Shaay. Sanduuqa iga saara.”

Shay waxa uu hadalkiisa ku daray: “Maya, xaalku sidaad mooddeen maaha, mayd ayaan ahay, mar labaad soo dhawaada, waxaan jeclaystay inaan idin sagootiyo oo qura.”

Shaay ayaa dhintay kadib markii uu muddo la dhibaatoonayay cudur, laakiin waxa uu jeclaysay inuu si gaar ah u sagootiyo qoyskiisa iyo dadkii uu jeclaa, gabadh uu dhalay ayaa sheegtay in aabaheed uu farriintan duubay inta aanuu dhiman ka hor, waxaana laga shiday makarafoon intii lagu gudajiray duugtiisa, isagoo dadka xasuusinay inuu ahaa qof kaftan badan oo dadka ka qasliyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close