Uncategorized

Dadyowga Dunida Kuwee Waqtiga Ugu Badan Ku Qaata Baraha-bulshada (Muuqaal)


Tilmaamaha Caalamig ah ee tirakoobyada internetka ayaa daahrogay dadyowga dunnida ee dadkoodu ugu booqashada badan yihiin baraha bulshada, waxaa ugu horreeya Philippine oo muwaadiniinta waddaankaasi ay internetka ku qaataan 4 saacadood maalintii oo ay baraha bulshada ku jiraan.

Kaalinta labaad waxaa galay dalka Nigeria oo dadkiisu ay saddex saacadood iyo 36 daqiiqo ku qaataan baraha bulshada maalintii, waa sida uu qoray tilmaamaha Web ee Caalamiga ah.

Halka kaalinta saddexaad ay ku jiraan shacabka Mexico oo saddex saacadood maalintii ku qaataa Baraha Bulshada, waxaa ku xiga oo kaalinta 4aad ku jira Turkiga, waxaana kaalinta 5aad soo galay dalka Ruushka, halka India, Shiinaha ay ku kala jiraan kaalinta lixaad iyo Todobaad oo ah sida ay ugu kala horreeyaan.

Mareykanku waxey galeen kaalinta 8aad, dalkan waxaa ka socda dood ku aaddan kaalinta baraha bulshada ay ku higidda siyaasada, gaar ahaan markii madaxweyne Tramp uu gaaray Aqalka Cad oo uu dalkaa madaxweyne ka noqday wixii ka dambeeyay.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa aaminsan in qoraalladiisa barta Twitterka ay si weyn uga qeybqaataan inuu ra’yigiisa dadka gaarsiiyo, isagoo tilmaamaya inuu ka marmaarmay warbaahinta kale  oo cadaawad shaqsi ahaaneed u ahaysa, waa sida uu sheego.

Laakiin khubarada qaar waxey aaminsan yihiin in madaxweynaha uu khalad iyo been ku faafiyo bartiisa si uu u marin habaabiyo ra’yil al-caamka guud dadkana uu dhankiisa ugu soo leexiyo. 

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close