Uncategorized

Sideed u Qorsheyn Lahayd Safarka Bishaada Malabka, Adigoo Ka Dhowrasana Lama Filaanka Aan Wanaagsaneyn.. 8 Talo oo Arrintaa Kugu Garabsiineysa (Muuqaal)


Waxaa dhici karta in lamaanuhu qorsheystaan safar ay sanadkooda koowaad ee guurka ay si wadajir ugu ambabaxaan waddan kale oo ay sii qorshestaan iney  maalmo kooban kusoo qaataan, si ay jawiga u bedeshaan waqti ku filanna ay iskugu helaan.

Si arrinkaa loo gaaro, waa in lamaanaha ay boorso kusii diyaarsadaan waxwalba oo ay safarka uga baahan yihiin ee muhiimka ah,waxaase dhici karta inaan safarka caqabado badan kala kulanto, sidaa darteed; waxaa waajib ah inaad taqaanno waxyaabaha lagama maarmaanka u ah safarkaaga si aad si wanaagsan ugu qaadato bishaada malabka, waana sida aan ku arki doonno warbixintan oo uu diyaariyay website-ka “leisureholidays”.

Talooyinka ku aaddan safarka bisha malabka marka aad safreyso markii kugu horreysay:

  1. Xadid nooca safarka aad dooneyso, kuna qanci dhinaca kale, adigoo uga sheekeynaya qiimaha safarka, haddii uu ku qanci awaayo, iskuday inaad xal dhexdhexaad ah gaartaan, waxaad ogaataa danta safarka laga leeyahay waa inaad waqti wanaagsan wada qaadataan lamaanahaaga.
  2. Safarka hab ka duwan hababkii hore u qorshee, booqo goobo aadan horey u tagin oo kugu cusub, ama daawo aflaam cusub, ama soo iibso alaab cusub oo guriga uga baahan tahay ama aad adiguba si gaar ah ugu baahan tahay.
  3. Safarka u qaado qalabka gurmadka degdegga ah, waxaa dhici kara inaad u baahato, waa marka ay kusoo gaaraan dhaawacyo nooc kasta noqon kara.
  4. Waxaa wanaagsan inaad sii sahmiso goobta aad safarka  ku aadayso, si aydaan hadhow caqabado farabadan ula kulmin, waxaad weydiin kartaa qof xilli hore safar ku aaday goobta amaba internetka ayaad ka baari kartaa, si aadan hadhow ugu damaashaaddo safarkaaga.
  5. Xadee miisaaniyadda safarka, cunno cabitaanka, hotelkii aad degi lahaydeen, kharashka safarka, iyo kharashkii lagu iibin lahaa waxyaabaha lagama maarmaanka u ah safarka.
  6. Ka fogow inaad goobo kusii hakato adigoon gaarin halkii uu yoolku ahaa, si aad uga dheeraataan caqabadaha qaar oo safarkaaga kaa qasi kara, sidaa darteed, waxaa wanaagsan inaad diyaarad ku aaddo goobta aad rabto, maadama aad tahay habka ugu ammaanka badan ee safarka marka loo eego gaadiidka kale.
  7. Ha u safrin dowlad aadan luqadeeda fahmi Karin, si aadan dhibaato u dareemin markii lagu af garan waayo.
  8. Raadi bandhigyada kala duwan ee shirkadaha dadka safarada dalxiiska u kaxeeya bisha malabka, si gaar ah u raadi shirkadaha qiimo dhimista sameeya, halkaas oo ay kaaga soo bixi karto lacago aad ku qabsan karto waxyaabo  kale oo safarka kuu qurxin kara.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close