Uncategorized

Waxa uu Ubaxay Si uu U Aaso.. Laakiin Lama Filaan Ayaa Ku Sugayey Qabrigii Uu Doonayey Inuu Gabadhiisa Yar Ku Aaso (Muuqaal)

Codka Naasnuug Yar oo Dhulka Hoostiisa Kasoo Qeylinaya

Nin ayaa damcay inuu aaso gabar yar oo dhawaan un ka dhimatay, laakiin waxaa lama filaan ku noqday markii uu maqlay codka naasnuug yar oo ka soo baxaya dhulka hoostiisa, xaaladdii ugu dambeysay ee tooshka ku ifineysa sida gabdhaha loogu aaso gudaha India.

Booliska maxalliga ah ee gobolka Owtar Baradhiish ee waqooyiga India, ayaa sheegay in Haytish Siroohi uu ubaxay si uu gabadh yar oo uu dhalay u soo aaso, taas oo geeriyootay daqiiqado yar un kadib dhalashadeeda, markii masaartii uu watay uu dhulka ku dhuftay ayaa waxaa uga soo booday dhari dhulka ku aasnaa.

Booliska ayaa sheegay in xilligaas uu Siiroohii uu ku baraarugay in canug yar oo naasnuug ah ay dharigiga ku dhex jirto, markaas ayuu u degdegay si uu u badbaadiyo, waa sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France Press.

Sida ay qortay jariidada Times of India, Siiroohi waxa uu helay gabadhan yare e naasnuugga ah oo iyadoo nool la aasay, waxey ku duuduubneyd dhar, weyna ooyaysay, waxa uu intaa sii raaciyey: “Xilligaa waxaan iska dhaadhiciyay in gabadheyda yar ay naftu ku soo noqotay.”

Booliska ayaa sheegay in canugtii yareyd isbitaalka loo qaaday, halkaasna caafimaadkeeda lagu daryeelayo, iyagoo intaa sii raaciyay in siyaasi maxalli ah uu masaariifteeda qaabilay iyo daaweynteedaba.

Waxaa xusid mudan, in la aaso gabadhaha isla markaana dumarka uurka laga soo rido iney noqotay wax gudaha India kusoo laalaabtay, maadama waalidku ay wiil doon wada noqdeen, oo ay aaminsan yihiin inuu yahay maalgashi ku garabsiinaya in qoysooda noloshooda ay ka faaloqaadaan, halka gabadhaha loo fiiriyo iney yihiin mas’uuliyad culus oo dusha ka saran, iyadoo aan ognahay in India laga hirgeliyay sharci mamnuucaya in ilamaha la iska soo rido.

Garsoorka gobolka Otarkhand ee waqooyiga India, ayaa waxa uu maray in la sameeyo baaritaan ku aaddan dhalashada 216 canug oo lagu dhalay 132 tuulo muddo 3 bilood ah ay dhammaan wiilal wada noqdeen, waana arrinta keentay shaki badan in laga qaado, iyadoo laga cabsanayo in dhibaato weyn oo bulsho ay hadhow keento.

Sanadkii 2018, warbixin ka soo baxday xukuumadda India  ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 63 milyan oo dumar ah la la’yahay ama aan lagu qorin tirakoobka dadka waddanka, sabab ku aaddan dhaqanka wiil jaceleysiga ah ee ka jira gudaha India, iyagoo intaa sii raaciyay in qadiyadda wiil jecleysiga ee ka jirta gudaha India ay waajib tahay in mujtamaca India guud ahaan uu ka fiirsado.

Sanadkii hore, sidaas oo kale, boolisku waxey heleen, 19 caruur ah oo lagu soo riday meel u dhow isbitaal ku yaalla gobolka Maharashtra, caruurtan ayaa waxaa helay saraalkii ku howlaneyd baaritaanka dhimashada haweenay si sharciddarro ah ilmo looga soo riday.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close