Uncategorized

5 Khuraafaat oo Laga Aaminsan Yahay Iney Ka Jiraan Dalka Thailand (Muuqaal)


Waxaa jira khuraafaad dadka adduunka laga maqlo oo marka aad u dhabagasho aaney waxba ka jirin, laakiin dad dalxiisyaal ah dhibaatooyin si shaqsiyan u soo gaartay ay dalkaa sumad ku noqotay.

Manta waxaan idiinsoo gudbineynaa 5 khuraafaad oo laga aaminsan yahay Thailand oo sida loo sheegay aaney waxba uga jira.

  1. Barafka Thailand lagu iibiyo waa mid wasakheysan oo aan ku habbooneyn in la isticmaalo

Xaqiiqada waxey tahay; Thailand waxaa jira baraf ay soo saaraan warshado lagu kalsoon yahay oo wax wasakh ah aaney ku jirin.

  • Thailand’s kasta oo aad la kulanto waxaad kala kulmi kartaa khiyaano iyo xeeladaysi.

Xaqiiqada waxey tahay: goobaha aan dalxiiska ahayn, waxaad ka helaysa soo dhaweyn dhanka shacabka Thailand, waxaanad arkeysa qof ku farxaya adeegaaga isagoo aan wax lacag ah kaa qaadan.

  • Thailand sicirka quutul-daruuriga aad ayuu u jaban yahay

Xaqiiqada waxey tahay: Waa dhab in sicirka uu jaban yahay si guud laakiin waa marka aad tahay qof muwaadin ah ama sidii qof muwaadin ah aad u dhaqmeysid, laakiin waxaa dhici karta in sicirku uu dowlado kale ka jaban yahay, waa gacansiga tukaamada heerka caalami.

  • Thailand waa goob aan ku habbooneyn in caruurta loo dalxiis geeyo

Xaqiiqada waxey tahay; Thailand waxaa ku yaalla goobo badan oo lagu madadaalo oo loogu talogalay qoyska, halkaas oo caruurtu ay ka helayaan waxwalba oo ay ku farxi karaan si wanaagsan usoo jiidan kara.

  • Caruurta derbi jiifka ah waad caawin kartaa

Xaqiiqada waxey tahay: Haddiiba aad lacag ku tabarucayso lacagta waxaad siineysaa hay,ado samafal ah oo caruurta caawiya intii aad caruurta derbi jiifka ah lacag siin lahayd, maxaa yeelay; badankoodu waxey u shaqeeyaan barcad maxalli ah.

Xaqiiqada waxey tahay: Haddiiba aad lacag ku tabarucayso lacagta waxaad siineysaa hay,ado samafal ah oo caruurta caawiya intii aad caruurta derbi jiifka ah lacag siin lahayd, maxaa yeelay; badankoodu waxey u shaqeeyaan barcad maxalli ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close