Uncategorized

Xiriirku Ma Mid Guuleysaneysaa Mise Waa Mid Fashil Ku Dambeynaya…Ogow Xaqiiqada Jacayl Lamaanahaaga Adigoo Eegaya Luqadda Jirka (Muuqaal)


Haddii aad dooneyso inaad shaqsiyaadka fahamto waxa gudahooda ka dhex guuxaya iyo waxa ay qarinayaan oo sheekadooda ku hoos qarsoon, waa inaad taqaanno luqadda jirka, haddii uu qofku wax kaa qarinayo amaba uu been kuu sheegayo waxaad si sahlan ugu ogaan kartaa luqadda jirkiisa iyo tilmaamaha uu bixinayo, waa tan arrinkiisa kashifaysa iyadoo aanuu qofku afkiisa kuu kala qaadin, dad badan ayaa dareenkooda ku cabira marka ay farriinta jirkooda ka bixinayaan ay tahay mid dhammeystiran.

Hadaba, sadarasadan soo aaddan waxaan idiinku soo bandhigeynaa tilmaamo jirka ah oo kuu caddeynaya xiriirka lamaanahaaga iney tahay mid aan sugneyn oo walaac uu ku jiro amaba aad isla jaanqaadeysaan, waa sida uu qaoray websiteka Brightside.

  1. Masaafada u dhaxeeyay labada qofka

Fadhiga iyo taagnida lamaanaha waxey ku tusuneysaa jacaylka ay isku hayaan iyo kobaca xiriirka labadooda ka dhaxeeya, masaafadda labadooda u dhaxeysaa ayaa xadeyneysa xiriirkoodu sida uu yahay, waxaa lagu qiyaasaa 18-inch, haddii aad aragto in lamaanaha marka ay wada taagan yihiin ama ay wada fadhiyaan ay kala fogyihiin  wax ka badan 18-inch waxey caddeynaysaa in xiriirka aanuu sidii la rabay usocon, halka isku dhawaan shiyuhu uu tilmaamayo jacaylka iyo dareenka la isku hayo sida uu u xoog badan yahay, in kastoo caadada iyo dhaqanka dalalka dunida lagu kala duwan yahay.

  • Xawaaraha socodka

Waxaa dhici kasta in dad badani ay arrintan iska yareystaan, laakiin waa arrin caddeyn u ah heerka uu jacaylku gaarsiisan yahay, dadka iska jecel wey is-garab socdaan iyagoo tallaabada isla qaada oo aad u maleysano iney mar qura jaanta isla rogayaan, haddii labada qof midi uu dheereeyo oo kan kale oo uu ka cag boobo wax khaldan oo xiriirka ka si ah ayaa jira.

  • Dhoollacaddeyn isla jaanqaadaysa

Dadka iska jecel si wanaagsan ayey isku dhageystaan weyna isku dhoollacaddeeyaan, dhoolacaddeyn iska ag dhow oo aad moodayso xilliyada qaar iney isla jaanqaadayaan, haddii aad aragto qof sheekeynaya oo dhoollacaddeynaya dhinica kalena aanuu daneyn u hayn, waa arrin ku tusineysa in qofkaa hadalkiisa aanuu kugu socon, waxaana dhici karta inuu si ula kac ah ugu dhageysanayo oo aauu dooneyn inuu hadalkaaga dhageysto.

Dadka iska jecel si wanaagsan ayey isku dhageystaan weyna isku dhoollacaddeeyaan, dhoolacaddeyn iska ag dhow oo aad moodayso xilliyada qaar iney isla jaanqaadayaan, haddii aad aragto qof sheekeynaya oo dhoollacaddeynaya dhinica kalena aanuu daneyn u hayn, waa arrin ku tusineysa in qofkaa hadalkiisa aanuu kugu socon, waxaana dhici karta inuu si ula kac ah ugu dhageysanayo oo aauu dooneyn inuu hadalkaaga dhageysto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close