Uncategorized

8 Calaamadood oo Ku Tusinaya in Ruuxa Aad Jeceshay Uu Kaa Faa’iidaysanayo oo Wax Mustaqbal Ah Aanuu Kaa Lahayn

8 Calaamadood oo Ku Tusinaya in Ninka ku agjoogaa oo Kaa Faa’iidaysanayo

Daraasad uu sameeyay mac’hadka Figa ee dalka Brazil ee ku takhasusay arrimaha bulshada, bani’aadamnimada iyo xaaladaha nafsiga ah ee aadanaha, ayaa waxaa laga ogaaday in ragga qaar ay dumarka ka dhex arkaan maslaxoodada shaqsiga oo iyadoo aaney gabadhu ogeyn  si khaladan uga faa’idaysta, halkaas ayeyna mushkiladdu ka bilaabataa.

Sidaa darteed, waxaa jira calaamado badan oo ku tusunaya in ninka garabkaaga taagan uu kaa faa’idaysanayo oo dan gaar ah uu kaa leeyahay.

Haddii haweenaydu ay u fiirsato calaamadahan waxaa u suurtaggal ah iney ogaato in ninka ay xiriirka la leedahay uu ka faa’idaysanayo, isla markaana ay habboon tahay iney ka fogaato.

  1. Ma jecla inuu ku baro saaxiibadii iyo macaariftiisa, faahfaahinta noloshiisana inaad ogaato ma ogola

Ragga noocan ah, waxaa loo yaqaanno rag aan la fahmi Karin oo xiriirkoodu uu maslaxad ku dhisan yahay, ma jecla qof dunidiisa gaarka ah ka tisan inaad barato, si aadan u ogaan shaqsiyadiisa dhabta ah.

  • Xilliyada Qaar si lama filaan ah ayaad u waayeysaa.

Si lama filaan ah ayuu u baxayaa una imaanayaa, waxaad arkaysaa marka uu kuu baahan yahay, xilliyada kale isha kama qaadaysid, marka uu dantiisa gaaro si lama filaan ah ayaad u waayeysaa adigoo aanuu wax sabab ah kuu sheegin.

  • Dareenkaaga wax muhiimad ah ma siinayo

Dareenka qofka ma tixgeliyo marka ay maslaxaddiisa shaqsiga ah ka hortimaaddo, waxa lagu tilmaami karo ee ugu yar waa inuu yahay qof aan damiir lahayn.

  • Marka aad u baahan tahay waa mashquul oo ma helaysid

Sida uu rabo ayuu u dhaqmayaa sida aad rabto dan kama laha, isagaa sheegaya waqtiga uu imaanayo iyo waqtiga uu maqnaanayo, danna kama lahaa agjoogaaga iyo hadaad ka maqan tahay toona.

  • Ma jecla inaad ogaato goobta uu joogo

Qofka raba inuu kugu daneysto ma jecla inaad ogaato goobta uu joogo

  • Si qarsoodi ah ayuu dhaqdhaqaaqaga ula socdaa

Arrintaa waxa uu u sameyanayaa si uu u ogaado inaad qof kale xiriir al leedahay iyo in kale.

  • Waxa uu kuu muujinayaa calaamado ah in xilli kasta uu kaa maarmi karo

Ragga noocan ah iyagaa jecel iney waqtiyeeyaan xilliga ay haweenayda ka tagayaan, si ay u muujiyaan in amarku uu gacantooda ku jiro.

  • In xiriirkiinnu adkaado ma jecla

Ma jecla in xiriirkiinu uu adkaamdo oo goobta loogu soo hagaago aad ogaato , waxa uuna ka sii taxadaraa marka uu maqnaado ama uu kaa tago inaanad helin halkii aad kala xiriir lahayd, si aad u noqoto qof meel cidlo ah taagan.

Goobjoog Edu


Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close