Uncategorized

Guri Taariikhi Ah oo Lagu Iibinayo 225-milyan oo Dolar.. Waxa uu Ka Kooban Yahay 60 Qol, Waxa Uuna Dhisan Yahay 80-sano (Muuqaal)


Guri ka mid ah guryaha ugu qadiimsan dalka Mareykanka ayaa lagu iibinayaa 225-milyan oo dolar, waana sicirka ugu sarreeya ee guri lagu iibiyo gudaha Mareykanka,  gurigan ayaa la dhisay soddomiyeeyadii Qarnigii hore, gaar ahaan sanadkii 1938, waxaana qaabeeyay Injineer dhismaha Jamis Ey-Dolinaa.

Sida uu sheegay websiteka wargeysa “Fortune”, gurigan ayaa waxaa lagu martigeliyey boqorro iyo siyaasiyiin caan ka ah gudaha Mareykanka, markii ay iibsatay shirkad hotellada kiraysa oo ku iibsaday 175000(Boqol iyo todobaatan iyo Shan oo kun) oo giniga istarlinka ah sanadkii 1950, kadib 50-sano, maalgashadaha reer Mareykan ee Gaari Weynik ayaa ku iibsaday 73-milyan oo dolar.

Gurigani meesha uu ku yaallo waxa uu u dhisan yahay qaab (H) sidaa darted, dadka guriyahan daga ee nasiibka badan waxaa u suurtagaleysa iney arki karaan dhammaan qololka 60ka ah ee gurigan uu ka kooban yahay.

Dadkii qaabeeyay waxey ku soo kordhiyeen garoon teeniska lagu ciyaaro, goob lagu dabbaasho, guri martida loogu talogalay iyo beer ay dadku ku indha doogsadaan.

Weynik iyo xaaskiisa ayaa naqshaddda gurigan dib u habeyn ku sameeyay markii ay iibsadeen kadib, derbiyadii jabsadaan waxey ku buuxiyeen looxaan la qurxiyay oo si waaagsan loo qaabeeyay, waxeyna u shaqaaleysiiyeen 250 qof oo ka shaqeynaya dib u naqshadeynta gurigan oo si caajiib ah loo sameeyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close