Uncategorized

Qiimaha Naftaadu 5 Shay Ayey Ku Jirtaa… Dhiso Nolol Qoys oo Guuleysata (Muuqaal)


Naftaada ma u haysataa iney tahay mid guuleysatay, oo kooxda shaqada aad hoggaamiso si wanaagsan wax ma ugu socdaan? Arrimahaasi waxey u baahan yihiin dadaal dheeraad ah si aad u gaarto yoolkaaga nolosha iyo hadafka shaqada ee gaarka kuu ah.

Waxaa jira waxyaabo lagama maarmaan ah si aad u noqoto haggoomiye wanaagsan oo kooxdiisa shaqada si fiican u wadi kara oo qofku naftiisa uu ku qiimeyn karo, waa sida uu sheegayo Dr. Ayman al-Junid oo ah khabiir Human resource ku takhasusay, waxa uu ka hadlay  5 waddo oo qiimaha qofka uu ku jiro.

  1. Xiriir Wanaagsan oo naftaada Aad La Yeelato

Waxaa faa’iido badan in maamulaha uu naftiisa xiriir fiican la leeyahay, maxaa yeelay; guusha waxey ku jiraa sida aad u fahamsan tahay waxyaabaha kugu hareeraysan ee tijaabooyinka mihnadeed ee aad soo martay.

  • Nolol qoys oo guuleysatay

Xiriirka aad la leedahay xubnaha qoyskaaga ma wanaagsan yahay, qaraabadaada iyo labadaada waalid, fikradda qoys yegleelidda waa lagu kala duwan yahay shaqsiyaadka, noloshooda inaad wanaajiso dalaal ma ku bixisaa, marka ay kuu baahdaan garabkooda ma taagan tahay, waxaa adag in la qadariyo guulahaaga shaqada iyadoo xiriirka aad xubanaha qoyskaaga aad la leedahay uu hooseeyo, waxaad ogaataa in arrintani ay saameyn ku yeelan doonto shaqaadada.

  • Mushaar cadaalad ah oo aad sameyso

Waxaa la oghaya lacagtu farxad ma sameyso, laakiin waxaa dhici karta in lacagtu ay kaa khafiifiso mashaakil farabadan oo dhanka nolosha ah, markaa waa iney isku dheellitirnaadaan shaqadaada iyo mushaarka aad qaadato si god-daloollo badan aad iskaga awddo.

  • Caafimaadkaagu inuu wanaagsan yahay

Marka aad shaqadaada u hagar baxeyso waxaad filataa iney arrintaasi caafimaadkaaga saameyn ku yeelan karto, hurdo yari ayaa kugu dhici karta taas oo howlgudashadaada maalin laha ah saameyn ku yeelata, inaad caafimaadkaaga ilaashato waxey la macno tahay sida aad ula dhaqmeyso gaari cusub ee aad uga dhowreyso iney garaafo u soo gaarto, sidaas oo kale ayaa la rabaa inaad naftaada u dhowrto, ka ilaali naftaada khataraha caafimaad ee ay waajihi karto, si joogto ah isku baar, si aadan si lama filaan ah cudur kuugu soo ridan.

  • Dadka kale ixtiraam

Tijaabooyinka shaqada xilliyada qaar waxaa wax laga xumaado ah inaad aragto inaan shaqaalaha la ixtaamin iyo saaxiibada shaqada, qofku waa in naftiisa ay ku baraarugsan tahay inuu dadka kale qadariyo, haddii uu maamule yahay waa inuu shaqaalaha ula dhaqmo sidii uu jeclaan lahaa in isagaba loola dhaqmo, arrintaasi waxey keenaysa in deegaanka shaqadu ku wanaagsanaato oo waxsoosaarkeedu bato guulna laga gaaro.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close