Uncategorized

Waxa uu Baxsad Ahaa 40-Sano Ah.. Waxaa La Qabtay Oday 86 Jir Ah oo Faldambiyeed Geystay 1980 (Muuqaal)


Markii uu 40-sano baxsad ahaa ayaa ugu dambeyn la qabtay nin reer Mareykan oo la yiraahdo Wolter James Mason oo 86-jir ah oo loo haysto Dambi dil ah.

Booliska gobolka Eydaho, ayaa ka hadlay dambigii dilka ahaa ee dhacay 40-sano ka hor, Mason ayaa lagu qabtay gobolka Taxis, halkaas oo uu ku noolaa isagoo magaca bedeshay oo la baxay magac kale oo Woltar James Alison.

22 September, 1980, ayaa waxaa la helay meydka Daniyal Mason oo madaxa xabbad looga dhuftay, iyadoo xilligaa ku sugneyd xarun Sports oo ku taallada Kalayton gobolka Aydaho.

Moson oo xilligaa goobta ka shaqeynayay ayaa noqdey eedaysanaha koowaad ee dilka, booliska ayaa raadiyay, laakiin wuu baxday.

Markii ay tobonaan sanno kasoo wareegatay October 10, waa bishan aaan hadda ku jirno, ayaa la soo ogaaday halka uu ku sugan yahay, waxaana la xaqiijiyey cidda uu yahay iyadoo farhihiisa laga ogaaday aqoonsigiisa rasmiga ah.

October 13, ayaa Mason loosoo qaaday Aydaho, goobtii uu dambiga ka geystay, waana la xiray, halkaas ayuuna ku sugayaa xukun dil darajada koowaad ah oo uu ku eedaysan yahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close