Uncategorized

Cilmibaarayaal Xadeeyay Saacadaha Shaqada ee Bidaarta Dhaliya (Muuqaal)


Cilmibaarayaal kasoo jeeda Kuuriyada Koonfureed ayaa ogaaday in saacadaha shaqada wax ka badan 52-saacadood Isbuucii ay suurtaggal tahay in laga qaado bidaar.

Khubaradan ayaa sheegay in ragga shaqeeya wax ka badan 52 saacadood isbuucii ay yihiin kuwa ugu nugul bidaarta,.

Saacadaha shaqada dowladaha adduunka wey ku kala duwan yihiin, laakiin shaqaalo badan ayaa xafiisyada iska jooga marka saacadaha shaqadooda ay dhamaato, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail.

Daraasaddan ayaa waxey falanqeysay xog laga soo uruuriyey 13-kun oo qof oo kasoo jeeda Kuuriyada Koonfureed oo da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 59 sano, sida natiijada ay kusoo saareen, daalka ayaa waxaa keena natiijada shaqo dheeraad ah oo isbedel hormoon  ku keenaan jirka, taas oo gaabis ka dhigta iney tintu soo baxdo ama keenta inuu madaxu hoolhoolmo, waxaana dhici karta in difaaca jirka uu weeraro goobta ay tintu ka soo baxdo iyadoo sababtuna ay tahay daalka faraha badan oo shaqada jirka isku dhex yaaciya.

Daraasaddan ayaa waxey sheegtay sababo kale oo daalka shaqada aan xiriir la lahayn, sida; sigaarka cabbista, dekhliga qofka, iyo xaalkiisa inuu dhibbow ciidan soo galay iyo in kale, laakiin sababta aasaasiga ah ee ugu muhiimsan ee bidaarta ayaa ah daalka shaqada.

Khubarada ayaa waxey ku talinayaan in lagu baraarugsanaado saacadah shaqada si bidaar looga dhowrsado iyo timo hoolhool, hadalkan ayaa waxa uu si gaar ah ugu socdaa ragga da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 30 jirka ah, marka ay isku arkaan astaamaha koowaad ee bidaarta.

Dhacdo arrinkan la xiriirta, gabadh 24 jir ah ayaa waxey ku khasbanaatay iney buruko ku seexato muddo Lix bilood ah si ay lamaanaheeda uga qariso bidaar, iyadoo markaa ka baqeysay inuu ka dhaqaaqo oo bidaarta uu ku naco.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close