Uncategorized

Halbeegga Lagu Ogaado Guusha Nolosha Lamaanaha… 6 Arrimood oo Muhiim u Ah Si Ay Nolosha Ugu Guuleystaan (Muuqaal)

Halbeegga Lagu Ogaado Guusha Nolosha Guurka

Guurku waxa uu la mid yahay shirkad ilaa uu ka guuleysto, waxaa waajib ah inuu ku dhisnado wax is dhaafsi iyo talo wadaag waxwalba oo khuseeya, sidoo kale, waxa uu ka ag dhow yahay lacag bankiga taalla oo dhammaan karta, haddii marwalba wax un laga qaado oo aan shey kale lagu kordhin.

Xiriirkan marka uu si dabiici ah u socdo, anaaniyaddu wey ka fog tahay iyo in qof waxwalba uu qaato iyadoo dhinicii kale xaqiisa lagu tunto, marka heerkaa la isla gaaro nolosha guurka wey istaagtaa fashil weyna wuu ku dhacaa.

Haweenayda la yiraadho Iimaan Kaamil oo ah la taliye arrimaha qoyska iyo xiriirka guuurka iyo barbaarinta qoyska , ayaa ka hadleysa dhaqanka ugu wanaagsan ee wadajirka qoyska ilaaliya.

Kaamil waxey tiri: waxaa jira waxyaabo badan oo lagama maarmaan ka dhigaya in nolosha guurka ay noqoto mid guuleysata, arrintaas oo ay sida ay sheegayso ka muhiimsan jacaylka, nolosha guurka iney guuleysato shardi uma aha inuu markii hore ay lamaanuhu isku guursadeen jacayl, waxaa dhici karta inuu jacaylku dhaqanka wanaagsan ka dhasho, halbeegyada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  1. Ixtiraamka lamaanaha ay isku hayaan.

Si xiriir kasta uu ku guuleysto, gaar ahaan xiriirka lamaanaha, waxaa waajib ah inuu ku dhisan yahay ixtiraam labo dhinac ah, qof walbaa waa inuu ixtiraamo lamaanihiisa, ixtirmaanka halka looma jeedo inaadan qofka oraah ku durin, ama jir ahaan aadan u dhibaateyn ee waa in la barto luuqadda ixtiraamku leeyahay, waa inaan qofka laga maseyrsiin, fikirkiisa iyo ra,yigiisa la ixtiraamo, qof kastaa xaynaabkiisa gaarka ah iyo khusuusiyaadkiisa la xaq dhowro, inaan qofka si ula kac ah aan loo dabagelin ama aan lagu jeesjeesin, haddii ay isku kali yihiin amaba ay dad kale la joogaa.

  • Kalgaceylka dhexdooda yaalla waa inuu jiro

Waa in mucaamilka dhexdooda ah ay isku dhimrin jirto, waa in khaladka la iska saamaxo, la isku samro la iskuna nasteexeeyo oo talooyinka fiican la isa siiyo.

  • Isku dhignaan waa iney jirto

Waa in xaaladooda qoyska ay iska ag dhow dahay oo midkood aanuu dareemayn in lamaanihiisu uu iska weynaynayo, sida; inuu midkood dhaqaale farabadan u bartay oo kale, markaa erayada qaar oo uu ku dhawaaqo dhinaca kalena aanuu fahmeyn, arrimaahas oo uu dhinac ku fasiran karo inuu lamaanihiisu quudhsanayo.

  • In qof kastaa uu shaqadiisa kasoo dhalaalo

Halbeegani waa mid muhiim u ah xiriirka guurka, dhinac kastaa waa inuu mas,uuliyaadkiisa kasoo dhalaalo oo ku shaqeeyo waxwalba oo suurtagelinaya inuu xiriirku sii socdo, waa in ninka uu kasoo dhalaalo mas,uuliyadaha lamaantiisa ka saran, halka haweenaydana sidoo kale laga rabo iney ka soo baxdo waajibaadkeeda.

  • In howl wadaag yihiin

Lamaanaha waa iney ka wada qeybqaataan waxwalba oo khuseeya nolosha guurkooda, iyadoo qof kasta la siinayo khusuusiyaadkiisa gaarka ah, waa iney si dawajir ah uga qeybqaataan booqashooyinka qaraabada, booqashada ehelka iyo asxaabta, waa inaan qofna munaasabad iyo xaf toona aadin iyadoo lamaanihiisu aanuu ogeyn, waa iney jiraan barnamij ay wadaagaan sida mid telefishinka ka socda oo ay si gaar ah u wada xiiseeyaan oo ay si wadajir ah u daawadaan.

  • In lamaaanhu ay is daneeyaan

Waa iney jirto daneyn laba dhinac ah oo ay lamaanuhu is daryeelaan, waa in ninku uu ku dadaalo inuu ogaado warka lamaanihiisa iyo waxa xaaladeeda kusoo kordha, waa inuu koolkoolliyo, haddii ay dhibaato jirtana uu siiyo daneyn ay u baahneyd iyo inuu la murugoodo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close