Uncategorized

Waxey Kala Maqnaayeen 63 sano Kadib Wey Kulmeen Oo Ay is-guursadeen (Muuqaal)


Lamaane is-jeclaa maalmihii iskuulka ayaa waayuhu kala geeyay markii ay waxbarashada dugsiga sare dhammeysteen, waxeyse kulmeen 63 kadib oo ay isguursadeen, iyadoo ay jirto in da’du ka daba timid.

Wargeyska USA Today, ayaa qoray in Aniit Kaalaahaan iyo Boob Harfi ay is barteen sanadkii 1955, xilligaas oo ay isku iskuul ahaayeen, Harfi waxa uu yiri; “Markii ugu horreysay ee ay ishaydu qabato horey ayaan ka jeclaaday 100%.

Laakiin inta fasaxii xagaaga lagu jiray, ayaa Aniit ay wiil kale is barteen oo ay markii dambe guursatay, halka Harfi uu gabar kale bartay oo uu guursaday markii uu iskuulka ka qalinjabiyay, xilligaa wixii ka dambeeyay labadooda xiriirkoodii wuu go’ay si dhammeystiran oo mid walbaaba waxa uu raacday noloshiisa gaarka ah.

Sanadkii 2017 ayaa waxaa dhimatay xaaska Harfi oo kansar sababsatay, xilligaa ayaa uu soo xasuustay Kalaahaan, jacaylkiisii iskuulka, waxaana uu bilaabay inuu baraha bulshada ka baadigoobo, waxa uu ogaaday in jacaylkiisii hore ay nooshay oo weliba ay carmal noqotay 2015, markaa waxa uu go’aansaday inuu la kulmo.

Si uu kulankaasi u dhaco waxa uu jaray masaafo dhan 805-kiiloomitir, waxa uu ka dhaqaaqay Farjiiniya waxaana uu ugu tagay gurigeeda oo ku yaalla Kaalahaan gobolka Ohayo.

Harfi waxa uu yiri: markii ay albaabka iga furtay qalbigeygu si xoog ah ayuu u garaacay, waxaan u tagay inagoo ubax u sida, wejigeeda ayaan taabtay, waxaan u sheegay iney qurux badan tahay oo aan aad u jeclahay.

Dhammaadkii bishii September ayey u dabbaaldageen guurkooda si rasmi ah, waxa uu ka dhacay magaalada Westerfil ee gobolka Ohayo, waxaa kasoo qeybgaly saaxiibadood oo ay ku casuumeen Maqaaxi qadiimi ah, waxey doonaan in bisha malabka ay ku qaataan gacanka Momi ee magaalada Origoon waa haddii cimiladda ay munaasab tahay, Harfi waxa uu leeyahay: “waxaan dareemayaa in Alle uu nagu taageeray inaan marlabaad kulanno si aan u wadajirno, nolol dheer ayaan rajaynayaa inaan isla qaadanno”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close