Uncategorized

6 Arrimood oo Ay Dumar Badani Sameeyaan Laakiin Ay Raggu Neceb Yihiin (Muuqaal)


Jacaylku marxalado  badan ayuu maraa xilliga lagu guda jiro xiriirka lamaanaha, arrimo badan oo kalena saameyn ayey ku yeeshaan, sida; ma’suuliyaadka cadaadiska shaqada, lacagta iyo dhibaatooyin kale oo saameyn ku yeesha, waxaa sidoo kale ay saameyn ku yeelato wadada ay dumarku u fahmsan yihiin guurka.

Sida uu sheegayo; Dr. Madxat Cabdil al-Hadi oo ah khabiir dhanka arrimaha xiriirka ku takhasusay,  waxa jira  ariimo jacaylka lamaanahaaga ka masaxeysa marka uu kugu arko:

  1. Isbarbardhigga

Lamaanahaaga iska ilaali inaad cid kale la barbardhigto, arrintaasi xiriirka lamaanahaa caqabad weyn ayay ku tahay, waa dulmi aad ku sameynayso, maadama uu ku jecel yahay hal gurina aad ku wada nooshihiin, cid kale hala barbardhig kaftanba ha kugu ahaatee, dhammaadka arrintani waa mashaakil iyo dhibaatooyin aad qoorta la galeysaan haddaadan iska ilaalin.

  • Filashooyinka sare ee guurka

Waaqica dhabta ah iyo xaaladda aan ku aragto aflaamta iyo Musalsalladu wey kala duwan yihiin, noloshaada waaqica ah nolol dhalanteed ah oo dhanka wanaagsan wax laga eegay oo gacan ku sameys ah hala barbardhigin, waa nolol xoogga la saaray maalmaha wacan oo maalmaha adag oo dhan laga tagay la iskana illoobay.

  • Qiyaasta aad ka haysato lamaanahaaga ruuxda

Dumarka qaar ayaa waxey aaminsan yihiin in lamaanahoodu uu noqdo qof ay si kasta iskula jaanqaadanayaan oo ah mataankii rooxdooda wax ka hooseeya aaney ku qanceyn, laakiin arrintaasi waa khalad, taa bedelkeeda waxaa jira xeerar dadka isku soojiida oo farxad iyo is-faham ka dhex abuura, lamaanaha oo marka dambe dhaxalsiiya guur farxad leh oo caafimaad qaba.

  • Arrimahaaga shaqsiga ah oo qura inaad ku fakarto

Guurku waxa uu u baahan yahay inaad waxbadan hurto, si maslaxadda jirintaanka guriga aad u ilaaliso, iska illow inaad ku fakarto arrimahaaga shaqsiga ah adigoon tixgelin siinin dareenka lamaanahaaga, arrintaasi waxey dishaa kalgaceylka uu kuu hayo, adigna waxaad ugu muuqutaa qof anaaniyad badan.

  • Arrimaha taban oo xoogga saarto

Waxaa lagaa rabaa inaad xoogga saarto inaad marwalba farxad u muujiso lamaanahaaga oo aad ka dheeraato waxyaabaha taban ee negative ka ah ee xiriirka daciifiya.

  • Isku dayada romantic ah oo la diido

Marka uu lamaanahaagu doono inuu si romantic ah uu kuula dhaqmo ha isku dayin inaad diiddo, aqbal si dhakhsiyo ah, maxaa yeelay; waxa uu rabaa inuu xiriirka wanaajiyo, waxaa lagaa doonayaa inaad la jaanqaaddo.

Si kastaba, iska ilaali inaad lamaanahaaga cid kale la barbardhigto, ka digtoonoow dhaqan kasta oo xiriirka xumeyn kara noloshaada qoyskana dhibaato u horseedi kara.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close