Uncategorized

Da’diisu Waa 34 sano Laakiin Weli Ma’aanuu Qaangaarin! (Muuqaal)


Nin dalka Shiinaha u dhashay oo 34 jir ah, ayaa waxa uu la dhibaatoonayaa cudur naadir ah oo ka dhigaya mid dhallaan ah, kadib markii uu dhaawac madaxa kasoo gaaray, lix jirkiisii oo sababay inuu koritaankiisu uu istaago.

Tishoo Shingkaay, oo daggan baadiyaha dhex barahama Shiinaha ayaa dhibaatadu waxey ku bilaabatay markii uu lix jir ahaa, xilligaas oo uu madaxa ka dhaawacmay, isagoo xilligaa la ciyaarayay caruur kale, waa sida uu sheegay websiteka Oditii Santaraal.

Aabaha dhalay Tishoo , ayaa waxa uu sheegay in willkiisa uu saddex maalmood qandheysnaa oo ay isbitaalka geeyeen, halkaas ayey dhakhaatiirtu ogaadeen maskaxdiisa inuu dhiig fariistay, waxeyna ku fuliyeen qalliin degdeg ah si ay xaaldiisa u dabiibaan.

Tishoo si wanaagsan ayuu u bogsaday, noloshiisii dabiiciga ahayd ayuu bilaabay, laakiin sagaal jirkiisii ayaa qoyskiisu waxey ogaadaan in korriinkiisu uu istaagay, marka loo barbardhigo asaaggii, waxa uu u muuqday mid aan korin kadib shiilkii soo gaaray.

Aabaha dhalay ayaa waxa uu geeyay isbitaalka gabalka si baaritaan loogu sameeyo, si uu u ogaado sababaha uu koritaankiisa u joogsaday, kadib markii dhowr baaritaan la marsiiyay ayaa la ogaaday in qanjirka pituitary gland ay dhibaato kasoo gaartay, waana tan saameysay koritaanka jirkiisa.

Labaatan sano muddo ka badan, Tishoo Shingkaay, oo 34 jir ah weli ilma yar ayuu shabbahaa, wejigiisa weli tini ka ma soo bixin, codkiisu waa cod caruureed, weli waxa uu ku riyoodaa sida asaagiisa oo kale inuu garab guursado oo uu caruur dhalo.

Maadama aanuu weli jirkiisu si dhammeystiran u bislaan riyadiisa uma aaney riyoobin, waxa uu sheegay: “Iyadoo ay jirto inaan 34 jir ahay, ayaa hadana shaqada jirkeygu waxey u shaqeysaa sidii caruurtii oo kale, weli ma aanan qaangaarin, sidaa darteed; inaan guusado iima suurtaggal ah.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close