Uncategorized

6 Faa’iido oo Yididiiladu u leedahay Nolosha Ragga iyo Dumarka (Muuqaal)


Yididiiladu waa tiir muhiim ah oo ka mid ah tiirarka guusha nolosha, marka aan eegno rag iyo dumar labadaba, heerka yididiilado hoo ayuu u dhacaa marka uu qofku guursado, uu caruur dhalo ama duruuf kale oo nololeed ay soo waajahdo, laakiin in yididiiladu ay hoos u dhacdo waxey khatar ku tahay mustaqbalka iyo caafimaadka qofka.

Haweenayda yididiilada badan iyadaa ugu farxad badan asaageed

Daraasad ay sameysay kulliyadda cilmi nafsiga ee jaamacadda  Mikinsi ee magaalada Sowbowlo ee dalka Brazil , ayaa muujiay xiriirka ka dhaxeeya yididiilada uu qofku nolosha ka leeyahay iyo xaaladdiisa nafsi ahaaneed ee uu dareemayo, yididiilada hadafkeedu waa inaad noloshaada guul ka gaarto dhinacyo badan, gaar ahaan dhanka shaqadaada, khubarada daraasaddani waxey intaas sii raaciyeen, in daraasadda ay ka ogaadeen in yididiiladu ay la xiriirto rajo adag si uu qofku u gaaro waxa uu doonayo ee hiigsigiisu yahay.

Yididiiladu waxey horseeddaa Inaanuu qofku is dhiibin

Waxaa waajib ah inaaney is dhiibin gabadha caruurta leh ee guri fadhida ee shaqo laaanta ah, waxaa u suurtagal ah iney dhigato hadaf nololeed iyo sidii ay dhexda ugu xiran lahayd iney ubadkeeda ka dhigato kuwo waxbarashadooda ku guuleysta oo heersare ka gaara nolosha.

Yididiiladu dareenka naftaada ayey wanaajisaa

Daraasaddan ayaa waxey hoosta ka xariiqday in haweenayda yididiilada badan ay ka dhigto qof nolosha rajo badan ka leh, waxaa laga helaa awood badan oo nolosha kugu dhiirrigelisa, iskana imaan Karin haddii aaney rajo farabadan jirin oo nolosha iyo mustaqbalka laga leeyahay.

Waxa uu wanaajiyaa xifdadahaaga hoggaamineed

Dareenka wanaagsan ee yididiiladu wadato, waxa uu kugu dhiirigeliyaa inaad aqoontaada ballaariso, qofku waxa uu soo dhaweynayaa noocyada kala duwan ee aqoonta, halka uu ku hagto in gabadhu ay noqoto qof maskax furan, wax falanqeyn karta, xalka ku habboonna u heli kara mushaakil kasta.

Yididiiladu waxey ku siinaysaa xirfad sare oo aad kula mucaamisho dunida inteeda kale

Qofku marka uu og yahay waxa uu nolosha uga baahan yahay, waxa uu noqonayaa qof  dadka kale si wanaagsan ula  xiriira, waxa uu isku dayayaa inuu aqoon iyo waayo aragnimo badan ka kororsado, si uu guushiisa u gaaro.

Yididiiladu xasuusta shaqsi ayey hagaajisaa

Qofka waxey ka dhigtaa inaanuu illoobin yoolkiisa nolosha iyo  damaciisa gaarka ah, sidaas oo kale waxa uu xoogga ku siiyaa inuu qofku sare u qaado macluumaadka uu ka faaiidaysan karo.

Yididiilado haweenka waxey ka dhigtaa kuwo waxsoosaar badan

Haweenayda yididiilada badan waxsoosaarkeedu wuu bataa, waxey ka fogaataa iney qabato shaqooyinka khatarta leh, waxey xoogga saarta howsha gacanteeda ku jirta, waxeyna ka fogeysaa iney howsheeda dayacdo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close