Uncategorized

Sideed Dhinaca Kale Ugu Sheegan Kartaa Jacaylkaaga Iyadoon Wax Eray Ah Afkaaga Kasoo Bixin?

Calaamadaha Jacaylka Lagu Garto Iyadoo Aan Weedhaba La Isticmaalin


Marka arrinku ay khusayso in jacaylka iyo dareenkiisa uu qofi tilmaamo, dadka qaar waxey si weyn xoogga u saaraan tilmaamaha oo ay dareenkooda ku cabiraan hab ficil ah iyagoo aan afkooda wax eray ah aan uga dhawaaqin.

Websiteka Bright Side ayaa waxa uu soo bandhigayaa waddooyin uu lamaanuhu jacaylkiisa ku sheegan karo isagoo aan adeegsan wax weedh ah.

Dhaqanka qofka ku Jecel

  1. Waxa uu kuu dhageystaa sidii inaad qorayso xasuus kuu gaar ah

Si ka fog weedhaha jacylka, lamaanahaaga waxa uu si wanaagsan u dhageysanayaa waxwalba oo noloshaada ku saabsan iyo faahfaahin kasta oo aad afkaaga ka sheegyso isagoo aan marnaba kaa daaleyn, inta badan waxaad arkeysaa inuu yahay qof si wanaagsan kuu dhageysta, waxaad ka heshaa talooyinka kugu haboon ee xalka u ah mashaakiilkaaga nolosha.

  • Marwalba waxa uu isku dayaa inuu laabta ku geliyo

Marwlaba waxa uu jecel yahay inuu laabta ku geliyo oo waqti wanaagsan uu kula qaato, dareenkiisa waxa uu kuugu muujiyaa inuu laabta ku geliyo ama shay lama filaan ah uu ku siiyo; sida hadiyad ama fasax sanadkii oo meel ka baxsan deegaanka uu ku geeyo.

  • Waxa uu kugu dhiirrigeliyaan inaad xaqiijiso hadafkaaga nolosha

Caalamdaha jacaylku maaha un inaad lamaanahaaga mobile kala sheekeysato 24 saac ama farriimo joogta ah aad isku dirtaan, waxaad arkeysaa inuu xilli kasta kugu dhiirrigelinayo inaad gaarto yoolkaaga nolosha, markaa arrintani waa caalamada bisaylka iyo jacaylka dhabta ah lagu garto.

  • Waxa uu kugu taageeraa shaqada guriga

Haddii lamaanahaagu aanuu dhib u arkin inuu shaqada guriga kula qabto si joogto ah, waxaad ogaataa inuu qadarinayo oo uu jacaylkiisa si gaar ah kuugu sheegayo, waxaa adag inaad hesho qof qadarinaya sinaanta xiriirka, sidaa darteed; waxaad heshay qof kuu khaas ah ee hasii dayn.

  • Marwalba waxa uu ka hadlaa wanaagaaga

Ehelka iyo qaraabada waxa uu kala hadlaa wanaagaaga, isagaa jecel inuu marwalba hadalka kugu bilaabo, haddii ay suurtagasho inaad goob ka wada shaqeysaan isagaa ah qofka koowaad ee kuu imaanaya si uu nabadqabkaaga u hubsado, marwalba waxa uu jecel yahay inuu kula sheekaysto, mana awoodo inuu kaa dheeraado.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close