Uncategorized

Haweenay Isku Dhex Sawirtay Qolka Baylootka ee Diyaaradda Laga Hago oo Sababtay In Duliyihii Laga Fariisiiyo Shaqada Inta Noloshiisa Ka Hartay (Muuqaal)

 Sawirka Haweenay Isku Sawirtay Qolka Baylootka oo Duuliyihii Looga qaaday Ruqsaddii Duuliyenimo inta uu nool yahay

Duuliye dalka Shiinaha u dhashay ayaa lagu ciqaabay in ruqsaddii duuliyenimo laga qaado inta uu nool yahayna aanuu dib dambe diyaarad u kaxeyn, kadib markii baraha bulshada lagu arkay sawirka haweenay dhar rayid ah xiran oo isku dhex sawirtay kursiga baylootka ee diyaaradda laga kaxeeyo , arrintaas oo dhalisay falcelinno caro leh, maadama lagu xadgudbay xeerka fiyoobi qabka rakaab oo aan ogoleyn in qof  rayid ah loo ogolaado qolka duuliyaha.

Sawirkan ayaa waxaa lagu faafiyey barta bulshadu ee Weibo oo ah bar la mid ah Twitter oo dalka Shiinaha laga isticmaalo, sawirka ayaa waxa uu muujinayaa haweenay fadhida kursiga duuliyaha oo wadata dharka rayid ah, isla markaana tilmaameysa calaamadda guusha.

Sawirka ayaa waxey soo raacisay qoraallkan: “Aadbaan ugu mahadcelinayaa duuliyaha diyaaradda aadbaan u xamaasadeysanahay.”

Qof ka mid ah dadka barta Weibo-ga isticmaala ayaa ka shifay sirta sawirka, waxa uu sheegay in sawirka lagu qaaday diyaarad raacsan shirkadda duulimaadyada Air Guilin, intii uu safarku dhex bartamaha marayay, waxa uu dhaliilay shirkadda iyo sida ay iskaga indha tirayso in hoggaamiyihii diyaaraddu uu ku xadgudbay xeerka fayoobi qabka rakaabka, markii halkaa la marayo, ayaa haweenaydii ay sawirkii ka saartay barteeda bulshada ee “Weibo-ha”.

Sawirkii asalka ahaa markii la masaxay ayaa sawirro kale oo copy ah laga sameeyay uu aad ugu faafay baraha bulshada oo hadalhayntiisu ay gaartay ku dhawaad 20-kun oo qof iney muddo kooban kaga falceliyaan.

Shirkadda ayaa  xaqiijisay in sawirka lagu qaaday diyaarad diyaarad  ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Guilin, sawirkana la qaaday xilli lagu gudo jiray safar ay diyaaraddu u kala goosheysay magaalada Guweylinta koonfureed iyo magaalada Yangitju ee bariga Shiinaha, taariikhdu markii ay ahayd 4-tii Janaayo.

 Bayaan ay Isniintii dhaweyd soo saartay shirkaddu ayaa waxey ku dhawaaqday in duuliyihii diyaaradda, oo aan magaciisa la shaacin, lagala noqday ruqsaddii diyaarad kaxeynta inta uu nool yahay aan loo ogoleyn inuu diyaarad dambe kaxeeyo, maadaama uu ku xadgudbay xeerka fayoobi qabka rakaabka ee diyaaradaha madaniga ah, halka xubno kale oo shaqaalaha diyaaradda ka mid ah shaqo ka fariisin lagu sameeyay, waana inta uu baaritaanku socdo.

Shirkaddan ayaa caddeysay in fayoobi qabka rakaabka uu u yahay hortabintooda koowaad, waxeyna hoosta ka xariiqeen inaan marnaba loo dulqaadan karin dhaqan kasta oo habka xirfadda shaqo khilaafsan, isla markaana aan habbooneyn ee khatar u horseedi kara diyaaradda iyo raakaabka ay waddo.

Shirkaddu waxey intaa sii raacisay “Waxaan adkeyn doonaa xeerarka fayoobi qabka, si looga dhowrsado dhacdooyin tan la hal-maala.”, ayey yiraahdee.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close