Uncategorized

Jacaylkeedii Koowaad.. Aabbe Gabadhiisa Lama Filaan Uga dhigay Hees uu Ugu Qaaday Luqadda Tilmaanta (Muuqaal)


Aala aabaheed xiriirka gabadhiisa kala dhaxeeya waa mid aad u mug weyn oo kalgacayl badan xambaarsan, xilli kasta aabahani waxa uu aaminsanaa in yahay jacaylka koowaad ee gabadhiisa.

Aabahan ayaa gabadhiisa lama filaan uga dhigay, hadal jeedin dareen badan oo uu kasoo jeediyay xafladdii gabadhiisa, khudbadaas oo gabadha qalbiga ka taabatay oo ay la ooyday, kadib markii uu xafladeeda ka qaaday hees uu kusoo jeediyay luqadda tilmaanta oo la yiraahdo “Anigaa hor jeclaaday”, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska kasoo baxda.

Intii lagu gudo jiray xafladda guurka caruusadda Aala Kiimaan iyo arooska Mitji Kiimaan, oo kasoo jeedda Ashland, ee goboalka Kantaaki,  October 11-kii, ayaa gabadha aabaheed waxa uu arooskeedii ka qaaday hees dareen badan oo la yiraado anigaa hor jeclaaday.

Andro Istiifan oo ahaa sawiraagii xafladda ayaa waxa uu si gaar ah u haleelay, xilligaa gaarka ah, aabaha ayaa hadalka ku bilaabay inuu ka sheekeeyo sanadkii 2017 xilligaas oo Aala ay shil gaari gashay, waqtigaa wixii ka dambeeyay hadalkii ayey gabtay, waxeyna waalidkeed kula xiriiraysay luqadda tilmaanta.

Hadalku wuu ku adkaa markaas ayey bilowday iney waalidkeed tilmaan iyo dhanka faraha wax ugu fiiqdo, laakiin bilowgii hore wey fahmi waayeen, markaas ayey ku khasbanaatay iney sabuurad caddaan ah wax ugu qorto.

Marka aabahan gabadhiisa jecel uu heesta bilaabay, martidii xafladdu mar kaliya ayey wada aamuseen, si wanaagsan ayey macnaha u dhuuxayeen, ilaa ay heestu ka dhammaato cidina isma aaney dhaqaajin, aadna wey ugu sacbiyeen, heestii waxey ku dhammaatay gabadhii iyo aabaheed oo laabta isgeliayey iyadoo ilmadu ka tifqeyso.

Si kastaba, sheekadan ayaa muujineysa in gabadha marka ay gurigeeda ka soo tageyso ay inta badan haysato jacayl iyo kalceyl waalid, isla markaana looga baahan yahay ninka ay calmato inuu halkaa wax ka sii qaado oo ammanadaa uu dhankiisa ka qaado marnaba aanuu ka qadin kalgaceylka iyo daryeelka ay u baahan tahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close