arrimaha bulshadaWararka

Gabar ay Indho La’aani Ku Dhacday Kadib Markii Ay “Taatuu” Ku Sawirtay Gudaha Indhaheeda Isku Day Ay Ku Dhallanrogeysay Jirkeeda (Muuqaal)


Gabar da’yar ah oo taatuuga aad u jecelayd ayaa waxaa ku dhacay indho la’aan kadib markii lagu sameeyay howl adag oo gudaha indhaha loogu sawiray taatuu si indhaheedu ugu ekaadaan kuwo midabkoodu buluug yihiin.

Gabadhan oo la yiraahdo Aambar Luuk, oo 24 jir ah, oo kasoo jeedda magaalada Santaraal Kost, ee gobolka New South Walsh ee gudaha Australia, ayaa waxaa qalliinka uga baxday 13, 901 euro oo ah lacag u dhiganta 15,525 dolar, si ay muuqaalka jirkeeda u bedesho, carrabkeeda ayaa labo loo kala qeybiyay, dhagaha ayaa laga dulduleeliyay, sidaas oo kale dhallanrog badan ayaa jirkeeda lagu sameeyay, waa sida ay sheegtay jariidada Mirror ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, Isniinta.

Ambiir, waxey jirkeeda ku sawirtay 200 oo taatuu, waxaa qalliin lagu sameeyay faruuraheeda iyo dhabanka, sidoo kale waxaa la dulduleeliyay dhagaheeda, laakiin taatuugii indha ayaa ahaa kii ugu dhibka iyo xanuunka badnaa.

Ambar waxey oo naftiida ku tilmaantaa iney tahahy dragon kii caddaa ee indhaha buliigga ah lahaa, ayaa waxey tiri: “Suurtaggal ma aha inaa idiin tilmaamo sida uu dareenkaygu ahaa xilligaas.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxa ugu habboon ee aan idin dhihi karaa waa markii ishayda uu kalarku ku dhibcay, waxey ila noqotay inuu dhalo indhahayga ku dhex jajabinayay jabiyay.”

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayaa waxey tiri: “Afarjeed ayuu sidaas ku sameeyay indhaheyga, aad buu u naxariis darna, nasiib xumo, sidii la rabo si aan ahayn ayuu sameeyay.”

Hooyadii dhashay ayaa oohin la aamusin kari waayay

Sida jariidada Daily Mail ay dhankeeda ka qortay sheekadan, Ambir waxey tiri, howshani mid indho la’aan keenta maanaha caadi ahaan hidii sidii ay ahayd loo qabto.

Dhibatadan indho la,aanta ah ee soo waajahday darteed, qalliino badan oo kale oo ay jirkeeda ku sameyn lahayd ayey hakisay.

Hooyada dhashay gabadhan oo la yiraahdo Kikii ayaa oohin la aamusin kari waayay, kadib markii ay ogaatay dhibaatada indhaha kasoo gaartay gabadheeda yar, waxey sheegtay iney horey isku weydiisay sababta ay gabadhadeedu khatarta ugu bareerayso, laakiin ay ahayd arrin aaney waxba ka qaban karin, maadama ay gabadhu go’aanka gaartay iska markaana ay ku khasbaneyd iney ku taageerto.

Hooyada ayaa hoosta ka xariiqday iney dooneysay iney gabadheeda garab istaago, maadama aaney nafteeda ay isku arkeysay iney tahay gabar foolxun.

Halka Ambir ay sheegayso inaaney wax qoomameyn ah ka qabin is bedel kasta oo ay jirkeeda ku sameysay tobokii sano ee ugu dambeysay.

Gabadhan ayaa ku doodaysa iney dadka ra’yi kala kuwan oo dhanka muuqaalkeeda kusaabsan ay kala kulantay, qaarkood ay waanaagsan yihiin, halka kuwo kalena ay foolxumo ku caayi jireen.  

Goobjoog Edu

Related Articles

Close