Uncategorized

YouTube oo Design Cusub Iyo Adeegyo Hor Leh Soo Kordhiyey


YouTube ayaa bilaabay design cusub laga bilaabo Jimcaha November 8, dadka isticmaalaa waxey ka heli doonaan adeegyo cusub oo u sahlaya iney muuqaallada ka daawan karaan computer-ka.Afheyeen bartan u hadlay oo uu wareystay websiteka caanka ah ee The Verge, ayaa waxa uu yiri: icons-kii yaryaraa waa la weyneeyay tirada muuqaallada bogga hore ka soo muuqanayay  waa lasoo koobay, waxa uu intaa sii raaciyay: sidaas oo ay tahay dadka adeegsadaa waxey arki doonaan macmuulaad badan oo muuqaallada ay daawanayaan ka mid ah.

Waxaa la weynayay booska ay muuqaalladu ka qaataan safxadda hore ee websiteka YouTube, markaa dadka muuqaallada sameeyay waxaa u suurtaggal ah iney isticmaalaan canaawiin dhaadheer  oo ay dadka macluumaad badan ka siin kara waxyaabaha uu muuqaalkoodu xambaarsan yahay oo qofku aragtiidiisa koowaad uu kaga bogon karo.

Design-kan cusub waxyaabo badan ayaa bogga hore laga saaray, waxaa ka mid ah (wararka) iyo (music-ga,).

Sida uu YouTube sheegay isbedelladan waxey ka yimaaddaan talooyin ay dadku barta u soo jeediyeen, dadka muuqaallada sameeyaana ay si gaar ah u codsadeen si barta loo horumariyo, halka sidoo kale mashaakil badan oo ay dadku ka caban jireen la hagaajiyay oo wax laga qabtay.

Design-kan cusub dadka barta isticmaala muuqaallada ay daneynayaan hal saf ayey iskugu geysana karaan, waxaana uu  daawanayaa qofku iyagoo aanney muuqaalladu ka kala go,in, laakiin adeeggan waxaa heli kara dadka Android-ka qalabka ku shaqeeya isticmaala.

Desing-kan cusub ayaa howlgalay laga bilaabo Jimcaha December 8, 2019, waxaan isbedelka arki kara, dadka computerka desktop-ka adeegsada ee nidaamka Android ku shaqeeya, iyo laptop-ka iPad dadka isticmala, halka isbedelka dhawaan ay cidkastaa arki doono oo qalab kasta loosoo fasi doono. 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close