arrimaha bulshadaWararka

Deegaan India Ka Tirsan oo 111 Geed U Beera Gabar Kasta oo Kusoo Kororta (Muuqaal)


Markii tuuladan gabar yari ku dhalato, dadku wey u dabbaaldagaan, waxaana loo beeraa 111 geed oo magaceeda lagu qoro.

Hadda waxaan beernay ku dhawaad 350,000(saddex boqol iyo Konton Kun oo Geed),

Sanadkii 2006 laga soo bilaabo, tuulada Piplantri ee gudaha dalka India, waxaa lagu beeray kumanaan geed sanadkii si gabadhaha u dhasha ay ugu dabbaaldagaan, laakiin, arrintani waa mid naadir ah, inta badan daafaha kala duwan ee India gabadhaha waxaa loo arkaa iney  culeys ku yihiin qoyska, arrintaas oo marar badan in si xun loola dhaqmo keenta,,, laakiin halkan tuulada Piplantir dadku waxey aad ula tacaalaan dhaqankaa xun oo wadadooda gaarka ah ay ula dagaalamaan.

Magaceygu waa Shiyaam Sandar Balwaale. Tuuladan anaa hoggaamiye u ah arrinteeda oo dhanna ma’suul ka ah,tusaale; ahaan sida aan biyaha u ilaashaneyno, geedaha u beerayno iyo habka aan gabadhaha u difaacayno intaba anaa maamula.

Sanadkii waxaa noo dhasha 60 ilaa 65 gabadhood, mid kasta oo gabadhahaa ka mid ah waxaa loo beeraa 111 geed, dhaqanka India waxaa caan ah in numberka 111 laga aaminsan yahay inuu nasiib wato.

Dhaqankani waxa uu soo bilowday,  markii ay gabadhaydu dhimatay, ayaa waxaan u beernay geed aan ku xasuusanno, waxey ahayd maalintii aan ogaannay qiimaha dhabta ah ee ay gabadhuhu nolosheenna u leedahay.

Sanad walba tuulada waxaa laga sameeyaa dabbaaldegga Rakshaa Bandihaan, oo ah dabbaaldegg dhaqameed India ka jira, gabadhaha ayaa waxey gacmaha walaaladood u suraan jijimo laga sameeyay dun oo ay gacmaha ugu xiraan walaaladood, waxa uu ka dhigan yahay xarigga ilaalada,, laakiin tuuladan waxaa u raacsan, iney geedahana sidoo kale dunta u xiraan.

Qoyska gabadha dhalay ayaa geedaha loo beero xanaaneeya, gabadhuna sanad walba geedaha waxey usoo goyskaa qardhaas ay ugu ballanqaadayso iney  waraabin doonto oo ay ilaalin doonto.

Waa jawi farxad iyo xaflad wata, dhalinyarada tuuladeennu iyagoo tiro aad u badan ku socda ayaa waxey u imaanayaan si ay u qaadaan ballanta ilaalada oo gabdhaha walaaladood ah ay ka qaadaan.

Waxey doonayaan in farriinta ka bilaabatay tuuladooda Piplantri, ay gaarto daafaha kala duwan ee dunida!, waxaan dooneynaa in gabadhuhu ay naftooda ku tiirsanaadaan dhinac kasta,,,  waxa uu yoolkeygu yahay in gabdhaha tuuladeennu ay helaan waxbarashada ugu wanaagsan, isla markaana aan ku garabsiinno iney isku fillaandaan oo aaney cid kale garab uga baahan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close