Wararka

Dadka Faqiirka ah oo Aad Ugu Nugul Inuu Ku Dhaco Cudur Dilaa ah oo Caafimaadka Wadanaha La Xiriira (Muuqaal)


Daraasad cusub ayaa sheegaysa in dadka faqiirka ah ay aad ugu nugul yihin cudurada wadanaha ee dilaaga ah.

Khubarada daraasaddan diyaarisay oo ku sugan gudaha Switzerland ayaa waxey aaminsan yihiin in dadka faqiirka ah ay u nugul yihiin cudurada Wadanaha, sababo badan oo ay ka mid yihiin hurdo yarida, saacadaha badan ee la shaqeeyo, inuu qofku daggan yahay deegaan buuq badan, waa sida ay sheegtay jariidada Daily Mail ee dalka Ingiriiska kasoo baxda.

Cilmibaarayaashan ayaa ogaaday  in dadka dakhligoodu hooseeyo ay ahaayeen kuwa ugu nugul cudurada dilaag ah heer gaarsiisan 50%, marka loo barbardhigo dadka dakhliga sare ku shaqeeya.

Halka aqoonyahannadani ay sheegeen in qofku uu habeenkii seexdo wax ka yar 6-saacadood oo hurdo ah ay mas’uul ka tahay in 13% xaaladahaas ay ku dhacaan cudurada wadanaha.

Cilmibaarayaashu sidoo kale, waxey sheegeen in dadka deegaannada buuqa badan ku nool ay saameyn ku yeelansyo nooca hurdada ay heli karaan, arrintaas oo cudurada wadanaha u nugleyn karta, halka ay ku talinayaan in dariishadaha la iska adkeeyo muraayado dheeraad ahna lagu xiro si buuqa loo yareeyo dadkuna ay u helaan hurdo wanaagsan.

Daraasaddan oo lagu sameeyay xarunta Jamaacadda caafimaadka guud ee ka dhisan Loosiyana Switzerland, ayaa waxey baaritaaan ku sameeyay 110-kun oo qof oo mutadawac ah oo kasoo kala jeeda Ingiriiska, Faransiiska iyo Switzerland iyo Portugal, iyadoo xogaha ay heleen ay ka koobneyd, taariikhda cudurka, baaritaankii sariirta ee lagu sameeyay, ra’yi uruurin kale oo laga dhex sameeyay, iyo mushaarka ay ku shaqeeyaan.

Waxeyna ogaadeen in ragga dakhligoodu hooseeyo 48% ay ku badneyd khatarta ah cudurada wadanaha, halka dumarku ay ka yara badan yihiin oo ay gaareen 53%.

Alifaaga daraasaddan oo la yiraahdo Dosan Brofitij oo ka tirsan mac’hadka caafimaadka Switzerland, ayaa wxa uu yiri: “Waxaa jira baahiyo loo qabo in bulshada heerarkeeda kala duwan la hagaajiyo, si ay hurdo fiican u helaan.”.

Si kastaba, in hurdo fiican uu qofku helo waxey kaalin muhiim ah ka qaadataa inuu qofku yeesho nolol caafimaad oo ay ku yar yihiin cudurada wadanaha iyo xididada dhiigga ee loo dhinto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close