Wararka

Markii La Aasay Kadib Ayaa Boolisku Maydkiisa Soo Faageen Si loo Hubiyo Inuu Dhintay iyo In kale! (Muuqaal)


Qoyska nin ku dhintay shil mooto oo ka dhacay Gooyaana Koonfurta Mareykanka, ayaa waxey si dhakhsiyo ah u aasaneen iyagoo aan la socodsiin booliska, halka  meydkii dib loo soo faagau si loo hubiyo in isagoo nool la aasay iyo in kale.

Sida warbixnnada maxalliga ah ay sheegayaan waxaa isku dhacay labo mooto Sabtidii deegaan Robonoonii ee gudaha Guuyaana, arrintaas oo keentay in labadii qofood ee mootooyinka kala watay ay waxyeello soo gaarto, labadaanin midkood waxaa loo yaqaannay Bin Agiilla.

Jariidadu Keytuur News  ee maxalliga ah ayaa waxey sheegtay in darwalkii kale ee mootada isbitaal la geeyay, halkaas oo xaaladdiisu ay ka soo raynayso, dhanka kale, boolisku waxey sheegeen in qoyska Agiila oo 31-jir ahaa, ay guriga u qaateen maadama ay u arkeen inuu mayd yahay oo shilka ku dhintay.

Jariidada ayaa sheegtay in ninkan la qaaday isagoo miyir daboolan, waxeyna u qaadeen dhanka guriga, halkaas oo isla markiiba ay ka bilaabeen iney janaasadiisa diyaariyaan.

Waxey intaa kusii dartay jariidadu, bilowgii hore inaan booliska dhacdadan la gaarsiin, laakiin markii warku uu gaaray ayaa waxey ku wareereen halka qofkii labaad loo qaaday.

Boolisku waxey isla markiiba aadeen guriga Agiilaar, waxaase lama filaan ku noqotay markii ay ogaadeen in la aasay, waxey u qaateen in isagoo nool oo aan miyir lahayn la aasay, isla markiiba waxey aadeen dhanka qabrigiisa oo ay soo faageen maydkiisa, kadib waxey u qaadeen isbitaalka oo dhakhaatiirtu ay xaqiijiyeen inuu mayd yahay, laakii maydka baaritaaan ayaa lagu bilaabay si loo hubiyo inuu shilka sababtiisa u geeriyooday iyo  in kale, waa sida uu sheegay websiteka Foxes News.

Mas’uul deegaanka ka tirsan ayaa ka warramay in caadada dadka ay tahay iney maydka si dhakhsiyo ah u aasaan isla marka uu qofku geeriyoodo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close