Uncategorized

“Tuuggii Ugu Doqonsanaa”… Muuqaal Laga Duubay Xilligii uu Xatooyada Waday (Muuqaal)


Kaamarada Ilaalada ayaa waxey soo qabatay ilbiriqsiyo lagu tilmaamay kuwo qosol badan, tuug banki xadaya gudaha Mareykanka.

Kaamarada ayaa duubtay xatooyada uu tuugani geystay oo mid ka mid ah bankiyada uu ku dhacay qori uu watay, deegaanka Shariifbort ee ku yaalla Lusiyana gudaha Mareykanka, waa sida uu sheegay websiteka Fox news.

Muuqaalkan ayaa muujinaya tuugga hubaysan oo maaskaraato wata, kadib kaamaridii dibadda ayaa waxey soo qabatay isagoo dhowr jeer dhulka ku sabiibixanaya oo markasta oo uu carar is yiraahdo dhulka ku kufaya ilaa saddex jeer markii uu sii baxsanayay.

Dadku markii ay muuqaalka daawadeen ayaa ay tuugga ku tilmaameen mid nacas ah, waxey yiraahdeen haddii aanuu socon kari maxaa u geeyay inuu banki dhaco, waxeyna ku tilmaameen dhacdo qosol badan.

Tuugga weli suuqiisa ayuu ku jiraa oo lama qaban inkastoo ay boolisku ku daba joogaan oo si xoog ah ay u raadsanayaan, sidoo kale; waxaa la aaminsan yahay inuu ka dambeeyo isku day dhac kale oo isla maalinmtaa la sameeyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close