Wararka

Guurkeeda Ayey Dib Dhigtay Muddo 18-sano Ah Si Ay u Xaqiijiso Hadafkeeda Nolosha (Muuqaal)


Haweenay reer Mareykan ah oo 36-jir ah ayaa waxey ka warantay dhibaatooyin badan oo ay waajahday si ay u gaarto yoolkeeda nolosha oo in mudaba ahba ay ku taameysay, ugu dambeyn wey ku guuleysaty hadafkeedii nolosha, in kastoo xilli badan ay ku qaadatay.

Sharman Baroksi waxey kulmeen ninkeeda Daareen Sakuweeris sanadkii 2001 xilligaas oo ay 17-jir ahayd, sakuweeris waxa uu sheegay in waqtigaa jirka lamaantiisu ay ahayd gaarsiisan meeshii la rabay ah oo aad uu u wanaagsanaa.

Sanad kadib ayaa Sharman ay dhashay canugeedii koowaad, xilligaa wixi ka dambeeyay miisaankeedu aad ayuu u kordhay, arrintaas oo ka hor istaagay iney xirato cambuurkii ay ku riyoon jirtay iney arooska u xirato, arrintaas oo dhankeeda keentay in guurkeedu uu dib dhaco muddo 18-sano ah.

Sideed iyo tobonkaa sanno Baroksi waxey aad ugu dadaashay iney miisaankeeda dhinto, kaas oo 100-kiiloograam kor u dhaafayay, laakiin xilli dhaweyd ayaa waxaa u suurtagashay iney miisaankeeda dhinto oo heerkii la rabay uu gaaro, heerkaas oo u suurtagelinaya iney xirato cambuurkeeda riyada.

Barokis waxey sheegtay iney niyadjab waajahday kadib markii xaalad maaliyadeed oo aad u adag ay soo martay sanadkii 2010 oo hoos u dhac dhaqaale uu dunida oo dhan ka dhacay, ninkeeda ayaa xilligaa shaqo la’aan noqday, waqtiga badankiisa wey hurdi jirtay, arrintaas oo keentay inuu miisaankeedu aad u kordho.

Waxey tiri: “Waxaan dareemay ciriiri oo caruurtayda ayaan ku diiqadooday, caruurta inaan xanaaneeyo ayaa igu cuslaatay ama guriga aan ka shaqeeyo, maalintii inta badan waan hurdi jiray, ayay u sheegtay wargeysay “Oditi Santaral”.

Waxey hadalkeeda sii raacisay : “Maalintii waxaan cuni jiray 20-xabbo oo shukulaato ah iyo cunno badan, habeen  walbana si wanaagsan ayaan u casheyn jiray.”

“Kalsoonida ayaa igu yareyd inaan dibadda u baxo wey igu adkeyd ama aan makeup marsado, xitaa caruurtayda inaan la ciyaaro wey igu cusleyd, muddo 10-daqiiqo ka badan lugaheyga kuma istaagi karin, culeyska jirkayga oo aaney lugaheygu xamili karin darteed.”.

Hadaba, Barookis nolosheedu waxey is-bedeshay sanadkii 2014, xilligaas oo miisaankeedu noqday mid aan loo dulqaadan karin, waxa uu caqabad ku noqday nolosheeda, markaas ayey goosatay iney dib ugu noqoto miisaankeedii hore ee xilligii ay 17-jirka ahayd.

Xilli dhaweyd ayaa Barookis waxaa u suurtagashay iney xirato cambuurka cad ee arooska, waxey dhigatay xafladdii arooskeeda ee mudaba ay ku riyooneysay, waxaana u suurtagashay iney ku labisato cambuurkii riyadeeda ee mudaba ay ku taameysay iney ku labisato.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close