Wararka

Haweenay 12 Farood Gacmaha Ku Leh, 20 Kalena Lugaheeda Ku Leh oo Deriskeedu u Yaqaanaan Sixiroole (Muuqaal)


Haweenay ku dhaaltay 12 farood oo gacmaheeda ah iyo 20 farood oo lugaheeda ah, ayaa deriskeedu ay aad iskaga ilaaliyaan, maadama ay u haystaan iney sixiroole tahay.

Jariidada Metro ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, ayaa waxey sheegtay in Koomaar Nayaak(63-sano jir ah), ay ku dhalatay dhallanrog dhanka jirkeeda ah, isla markaana aaney qoyskeedu u awoodin iney ka bixiyaan lacagaha ay isku dabiibi lahayd oo aad qaali u ah.

Waxey sheegtay in dadka deegaankeeda, Janjaam ee ku yaalla gobolka Odishaa ee dalka India, ay ka dheeraadaan oo aaney u soo dhawaan ama ay ku xumeeyaan xilliyada qaar xaaladda naadirka ah ee ay ku dhalatay.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Ceebtan jirkeyga waan ku dhashay, daawo ma’aanan helin, waxaan ka tirsanahay qoys faqiir ah, 63-sano ayaan xaaladdan ku jiray, dadka tuuladu waxey aaminsan yihiin inaan sixiroole ahay, weyna iga fogaadaan.”

 “Laakiin xilliyada qaar waxaa noo yimaadda dad doonaya iney xaaladeyda arkaan, waxaan ku khasbanahay inaan guriga joogo, maadama ay dadku si goonni ah ay iila dhaqmaan.”

Haweenay ay deris yihiin oo dadku ma sinnee u danqatay ayaa wxey tiri: “Waxaan ogahay iney dhibaato caafimaad ay haysato, waana arrin aan xiriir la lahay waxey dadku ka aaminsan yihiin, dhibaatadeeda waan dareemi karaa, maadama aaney haysan waxey isku daweyso.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close