Wararka

Nin Ku Dul Socday Xarig Dhulka Ka Sarreeyay Masaafo 150-mitir ah.. Muuqaal Aad Neeftaada Dib u Ceshan Doonto (Muuqaal)


Ninka Fransiiska kasoo jeeda oo la yiraahdo Nathan Boli ayaa waxaa u suurtagashay inuu ku socdo xarig meel sare susan oo dhulka ka fog masaafo gaarsiisan 50-dabaq.

Ninkan 25 jirka ah ayaa waxaa u suurtagashay inuu ku soco xarig isku xiraya labo dabaq oo dhexdooda lagu xiray, deegaanka Laadifonis ee gudaha Paris.

Xarigan ayaa waxa uu dhulka ka sarreeyaa 150-mitir, waa masaafo u dhiganta 50-dabaq.

Bolin ayaa waxaa u suurtagashay inuu dheellitirankiisa ilaashado intii uu xarigga ku dul socday, khatartan ayuu u bareeray, waxaase dhexdiisa ku xirnaa xarigga ammaanka oo loogu talogalay in uu naftiisa ku badbaadiyo.

Wiilkan dhalinyarda ah ee Faransiiska ka soojeeda, ayaa waxa uu dhowr record ka jabiyay xariga lagu dul socodo sanadihii lasoo dhaafay, sanadkii 2017 waxa uu ku guuleystay inuu ku dul socdo xarig lagu xiray barxad ku taalla Paris oo gaarsiisnaa taallada caanka ah ee Efil (Eiffel Tower ).

figure>

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close