Wararka

Daraasad Cusub: Mushaarka Ay Haweenaydu Qaadato Oo Dhibaato U Horseeda Ninka Ay U dhaxday.. Waa Marka Biilka Guriga Ay Bixiso Saami Ka Badan 40%!(Muuqaal)

Daraasad Cusub: Mushaarka Ay Haweenaydu Qaadat

Wadamo Badan Oo Dunida Daafaheeda Kala Duwan Ka Dhisan Ayaa Gabadhu Ay Ka Qeybqaadataa; Siyaasadda, Dhaqaalaha Qoyska,  Isla Markaana Ay Ka Shaqeysaa Dhinacyada Kala Duwan Ee Nolosha, Waxey Dumarku Qabtaan Xilal Muhiiim Ah, Waxey Madax U Yihiin Wasaaradaha, Shirkadaha, Dumarka Qaar Ayaaba wadamo  Madaxweynayaal U Ah.

Laakiin, Arrintani Waxey U Muuqataa Iney Saameyn Taban Oo Aan Wanaagsaneyn U Leedahay Caafimaadka Ragga Iyo Tan Qoyska Si Guud, Waa Sida Lagu Ogaaday Daraasad Ay Sameysay Jaamacadda Bath Ee Dalka Ingiriiska Ka Dhisan, Maxaa Yeelay Ragga Waxaa Ku Dhaca, Ayaa La Leeyahay,  Welwel Marba Marka Ka Dambeeya Sii Kordha, Marka Ay Arkaan In Xaaskooda Mushaarka 40% Wax Ka Badan Ay Biilka Guriga Bixiso.

Sida Ay Daraasadani Leedahay, Mushkiladdu Wey Sii Korortaa Marka Uu Ninku Is Arko Inuu Dhaqaale Ahaan Hawenaydiisa Ku Tiirsan Yahay, Arrintaas Oo Xilliyada Qaar Gaarta Furriin, Maadama Raggu Ka Dhiidhiyaan Iney Dumarkooda Ku Tiirsanaadaan.

Haweenayda Cilmibaaraha Ah Ee Daraasaddan Hormuudka Ka Ahayd Isla Markaana Ah Professor Ka Tirsan Jaamacadda Bath, Juwana Sirdaa, Ayaa Natiijooyinkii Ay Gaareen Faahfaahin Ka Bixisay, Waxey Tiri: “Waxaa Noo Caddaatay In Fikradda Ragga Ee Caadada U Ah Ay Tahay Iney Aaminsan Yihiin Iney Laga Maarmaan Tahay Iney Lamaantooda Ka Mushaar Sarreeyaan, Haddii Kale Ay Naftooda Saameyn Ku Yeelan Karto Oo Niyad Jab Ay Ka Qaadaan Marka Ay Arkaan In Laga Mushaar Badan Yahay.”

Cilmibaarayaashan Ayaa Waxey Baareen Xogta  6000 Oo Lamaane Is-Qaba Oo Muddo 15 Sano Ah Xogtooda Si Gaar Ah Loola Socday, Waxaa Caddatay In Dakhliga Haweenaydu Uu Saameyn Wanaagsan Iyo Mid Aan Wanaagsaneyn Uu Ku Yeesho Qoyska, Waxaa Wanaagsan In Gabdhu Ay Ninkeeda Ku Garabsiiyo Biilka Guriga, Laakiin Heer Aan Ka Badneyn 40%.

Khubarada Daraasaddan Ayaa Waxey Ogaadeen In Is Bedelka Xeerka Bulshada Ee Raggu Iney Yihiin Kuwa Qoyska Baahiyahiisa Dabara Ay Ku Keento Ragga Mashaakil Caafimaad Iyo Mid Nafsi Ahaaneed, Xilliyada Qaarna Qoyska Dhibaato U Horseedi Karto Oo Gaari Karta Heer In La Kala Tago Oo Nolosha La Isku Fahmi Kari Waayo.

Ragga Waxaa Ku Adag Iney Aqbalaan Fikradda Ah In Baahida Qoyska Ay Haweenaydiisu Dusha U Ridato, Arrintaas Oo Dareensiinaysa In Kaalintiisii Ay Meesha Ka Baxday, Waa Sida Ay Leeyihiin Khubaradani.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close