Wararka

Nin u Dhintay Leefid Ey Uu Lahaa oo Ay Wada Ciyaaryeen (Muuqaal)


Nin ayaa u dhintay cudur naadir ah oo uu ka qaaday candhuufta ey leefay, iyadoo ay jirto in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsaneyd inta aanuu cudurkani ku dhicin.

Dhakhaatiirtu waxey sheegeen in ninkan  oo 63-jir ah uu laba isbuuc ku qaatay gudaha Isbitaalka, waxa uu la dhibaatoonayey caabuq dhanka sambabaha ah, xumad heerkulka jirkiisa ka dhigtay 41-darajo, waa sida ay faafisay shabkadda CNN.

Ninkan  ayaa waxaa ku dhacay waxa loo yaqaanno Capnocytophaga canimorsus, oo ah bakteeriyo si dabiici ah ugu nool afka eyga iyo bisadaha jirran, caado ahaanna waxaa laga qaadaa qaniinyo ama leefid, xitaa waxaa laga qaadaa in loo dhawaado xayawaanka bakteeriydan sida.

Ninkani markii uu isbitaalka aaday, waxaa kasoo muuqatay astaamo sidii uu hargab ku dhacay oo kale oo muddo 3-cisho ah waxaa lagu arkay qandho iyo neefta oo ku adkaatay, dhakhaatiirtu isla markiiba waxey u fidiyeen gurmadkii uu u baahnaa si noloshiisa loo badbaadiyo.

Intii uu isbitaalka ku jiray ayaa xaaladdiisu sii xumaaty, wejiga ayaa finan kasoo yaaceen, reerfayaasha ayaa xanuun uu ka dareemay luguhuna wey dikaamayeen, xaaladdiisu wey ka sii dartay oo sambahaha ayaa caabuq la soo baxay, halka baaritaaanka lagu sameeyay lagu ogaaday in maskaxdiisu ay dareero badan soo daynayso, arrintaas oo markii dambe keentay in maskaxda ay howlgab noqoto.

In kastoo ay dhakhaatiirtu isku dayeen iney wadnihiisa ka shaqeysiiyaan oo qalabka lagu neefsado ay ku xiraan ayaa hadana ay culeys badan kala kulmeen si ay noloshiisa ku badbaadiyaan, waxa uu geeriyooday 16-cisho markii uu isbitaalka ku jiray.

Sida ay sheegtay daraasad laga sameeyay dalka Holland, bakteeriyadan naadirka ah, waxay ku dhacdaa shaqsi kaliya 1.5-milayan ee qof ee kasta qof ayaa qaada, qofkaasina wuu u geeriyoodaa heer gaarsiisan 28 illaa 31%.

Dhakhaatiirtu waxey tilmaameen in xalaaddan oo kale caado ahaan lagu arki jiray dadka habdhiska difaaca jirkoodu uu hooseeyo, laakiin cudurkani uu muujinayo in bakteeriyadiisa ay cidkastaa qaadi karto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close