Uncategorized

In Saacado Badan Lagu Qaato Gameka Electronic-ga ah Waxey Saameyn Taban Ku Yeelataa Waxbarashada iyo Shaqada (Daraasad Cusub)


Daraasad cusub oo dalka Japan laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka waqtiga farabadan ku qaata Games-ka Electronic-ga ah ay halis ugu jiraan saameyn aan wanaagsaneyn oo ay ku yeelato waxbarashadooda iyo shaqadooda, waxeyna sidoo kale khatar ugu jiraan mashaakil jireed iyo mid maskaxeed oo soo waajaha..

Daraasaddan oo ay sameysay xarunta Koorihaama ee caafimaadka oo ka mid ah xarumaha hoostaga wasaaradda caafimaadka, shaqada iyo adeegga bulshada ee dalka Japan, ayaa waxey caddeysay in 33% dadka reer Japan ee da’doodu u dhaxeyso 10 ilaa 29-sano ay labo saacadood iyo wax ka badan ay ku qaateen ciyaaraha Games-ka oo internetka ay ku dhex ciyaaraan ama qaabab kale Game-ka u ciyaaray si maalinle ah.

Daraasadda ayaa intaa waxey ku dartay in 85% dadkii ka qeybgalay oo tiradoodu ay gaareysay 5096(Shan kun iyo sagaashan iyo lix qof), ay Games-ka ka ciyaaraan mobile-kooda Smartphone-ka ah, computerka ama qalabka Game-ka gaarka u ah, dadkan ayaa xaaladooda si gaar ah loola socday muddo 12-bilood ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close