Uncategorized

Lo’ Ookiyaale Loo Xirayo Iyadoo u Jeedku Yahay Mid Lama Filaan Ah (Muuqaal)

Horumar cilmi ah oo la gaaray, beeraaley dalka Ruushka u dhashay ayaa waxey sameeyeen tijaabo ookiyaalaha humaaga humaag araga ee virtual reality headset, ayaa waxey u labiseen lo’, kadib markii cilmibaarisyo la sameeyay lagu ogaaday in arrintaasi ay u fiican tahay xayawaanka iyo dadka dhaqda oo faa’iido muhiim ah ka hela.

Beeraaleydan ayaa tijaabada waxey uga golleeyihiin in xayawaanka uu nafis ku dareemo, arrintaas oo ka dhigan in xaaladdiisa caafimaad iyo midda nafsi ahaaneed ay ku hagaagto, caanahooduna uu ku bato, waa sida ay sheegtay jariidada Fox News.

Ookiyaalaha lo’du wuu ka duwan yahay kan aadanaha, iyadoo la eegayo dookha lo’da iyo iney jeceshay muuqaalka dabiiciga ah ee soojiidashada badan iyo dhulka cagaarka ah ee furan.

Sida laga soo xiganayo wasaaradda beeraha iyo cunnada ee Ruushka, ookiyaalahan waxa uu keenay in lo’da uu welwelku ka yaraado si muuqata, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warbixinnada waxey sheegayaan ookiyaalahan humaag araga ah waxaa  horumariyay mashruuc cilmibaaris ah oo dalka  Holland laga sameeyay.

Lama sheegin heerka saameynta uu ookiyaalahan ku yeeshay waxsoosaarka caanaha, kaas oo mashruucan cilmibaarista ah lagu sheegay in uu noqon doondo mashruuc daraasad madax banana laga sameeyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close