Uncategorized

Hooyo Ku Faraxsan Xabsi Wiilkeeda Lagu Xukumay.. Sababtuna Waa Dambi Foolxun oo uu Geystay (Muuqaal)


Hooyadan ayaa cabirtay dareenkeeda sida ay ugu faraxsan tahay xabsi wiil ay dhashay lagu xukumay, laakiin waxaaba ka sii darnaa walaalkii oo sheegay in xabsiga lagu xukumay uu aad u yar yahay oo uu ka jeclaan lahaa in mudada intaa ay kasii badato.

Arrinta la yaabka leh ee dhaqanka qoyskan ayaa ah in wiilkooda xukunku ku dhacay ee 16-isbuuc gaaraya uu ku mutaystay inuu ey yar garaacay illaa ay naftu ka baxdo.

Sida ay warbaahintu sheegeen Jone Luuk Makluulin oo 26-jir ah waxa uu aad u gaaray ey yar oo nooca “Jerman Shaybird” loo yaqaanno oo 11-bilood oo qura jira, wuu garaacay illaa uu ka dhinto, kadib jirkiisa ayuu ku tuuray geedo hoostood, arrintaas oo keentay in caruur arkaysay ay ka muraara-dillaacaan.

Fadhigii xukunka lagu ridayay ayaa waxaa kasoo qeybgalay 25 qof oo ka mid ah dadka xuquuqda xaywaanka u dooda, dadkan waxaa ka mid ahaa hooyadii iyo wiil la dhashay, waa sida ay sheegtay jariidada Metro ee dalka Ingiriiska kasoo baxda.

Wiilkan ayaa waxaa lagu riday xukun 16-isbuuc ah, waxaa u raacsan in inta cimrigiisa ka harsan aan loo ogoleyn inuu xayawaan dhaqdo, sidoo kale waxaa lagu xukumay 115-gini oo loo xukumay eygii uu dilay, go’aankaas oo noqday mid ay soo dhaweeyeen dadka xuquuqda xaywaanka u ol’oleeya ee goobta joogay oo qaarkood ay wateen funaanado lagu soo buufiyay waxaan cadaalad u rabnaa Liksii oo ahaa magaca eygan yar ee la dilay.

Mishal Shariif oo hoggaamineysay ol’olahan xuquuqda xayawaanka lagu soo dhicinayo ayaa waxey tiri: “Liksi waxa uu u baahnaa codkeenna isaga dartii ayaan halkan u joognay, arrimahan oo kale in la isku saamaxo maaha.”

Dhanka mas’uulkii maxkamadda ee faylka u xilsaarnaa, Garaaham Hamond, uu yiri: “Waxaan jeclaa inaan arko isagoo lagu ridayo xukun kan ka adag, laakiin waxey dhaantaa inaan xabsiba lagu xukumin, hadda waxaan dareemaynaa inaan cadaalad u helnay eygan.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close