Uncategorized

New York.. Dadka Deggan Boqolaal Guri oo Kusoo Baraarugay “Dhibaato” Ay Dhexda Kaga Jiraan (Muuqaal)


Dad daggan boqolaal guri oo ku yaalla magaalada New York ayaa waxey kusoo baraarugeen marqura ur aad u qadhmuun oo halka ay kasoo baxeyso ay markii dambe lama filaan ku noqotay.

Dabaqyada hoose ee guryahan ayaa biyo ku maashooday deegaan u dhow airportka Kanadi ee ku yaalla magaalada caanka ah ee New York, arrintaas oo ka dhigtay in dadka ay dareemaan labbo labbo urta aan la xamili karin ee ay dhexda kaga jiraan darteed.

Mas’uul hadlay ayaa sheegay in bulaacado ay ku furmeen ku dhawaad 300 oo guri oo ku yaalla xaafadda Jamayka.

SiinThiya Makansi, oo dadka deegaanka ka mid ah, ayaa waxey sheegtay iney hurdada kasoo kacday saddexdii habeenimo ama sagaal saac oo ay kusoo baraarugtay ur aad u qadhmuun, markii dambe ayey gadaal ka ogaatay in dhibaato ay jirto oo bulaacadihii ay gudaha guryaha ay kusoo jabeen oo sidii daadkii oo kale ay guryaha hore usoo galeen.

Saacado yar kadib xaafaddii oo dhan ayaa bulaacadihii qaadeeen oo guri walba ay galeen, waxey buux dhaafiyeen dabaqa hoose ee jaranjarooyinka hoostooda.

Waxey intaa sii raacisay: “Markii aan albaabka furay, waxaa haf igu soo tiri ur aad u qadhmuun, matag ayaana i qabtay ayey tiri, waxa uu xaalku noqday inaan dharkeenna hal haleel kula cararno.”

Guddoomiyaha xaafadda oo la yiraahdo Bil De Balaasiyo ayaa waxa uu sheegay in kooxda gurmadka degdegga ah ay u direen si cillidda loo hagaajiyo, kooxdan ayaa waxey adeegsadeen booyado ay biyaha ku nuugaan.

Waakaladda biyaha ee magaalada ayaa waxey sheegtay in biyaha la cabbaa aaney wax saameyn ah ku yeelan oo ay nabadqabaan, laakiin de Balaasiyo dadka deegaanka waxa uu kula taliyay iney adeegsiga biyaha inta ay iska yareenayn karaan ay iska yareeyaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close